Isbadel Doonka WADDANI Oo Noqdey Isbaaro Hortaala Olollaha Murrashaxa WADDANI Iyo Xulufo Tijaabo Hore Martay Maraboob Ku Noqdey Cirro

0
1213

Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani oo ku ololeeya inay dalka isbadel ka dhalin doonan isla markaana luuqdoodu u badan tahay isbadal doon  ayaa haddana waxaa shidhka hore ugu jirra siyaasiyiin iyo masuuliyiin tiro badan oo maamulkooda la soo tijaabiyey isla markaana masraxa ka soo ciyaaray una taalo dhitooyin ay dhigteen ku waas oo dabar ku ah hankooda hogaandoonka ah waxaanay mar walba xulufadan  waddani ka botorisaa ku dhawaaqaan inay isbadal doonayaan waxaanay ka kooban yihiin xubno la soo tijaabiyey oo dawladihii xukunka dalka u kala dambeeyey kasoo  mid noqdey.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Somaliland oo wargeyska sahan la dhex qaadey mikrofon ayaa ka hadlay masuuliyiin ay ka soo hadhay isbadal doo. Hooyo nuura maxamed yoonis oo ayaa ka hadashay siday u aragto masuuliyiintan waxaanay tidhi” waxaa dhegahayaga ka batay  arag siyaasiyiina oo ku jira xisbiga waddani oo maalin walba leh isbadal baan doonaynaa kumaa doonaya is badalka  ma kuwii aanu naqaanay mise qolo cusub oo cirka soo dhac noqotay oo imika aanu tijaabinayno ragan miyaanay hayn kuwii qaar xamar ka soo qaylin jiray ee Somaliland jiritaankeeda inkiri jiray ee midnimada iyo somaliweynta  baadi dooni jiray ma maantay isbadeleen miyaanay ahayn kuwii siilaanyo ka yaacay ee dalka inqilaabka waxdada la doonayey” waxaa isna aragti la mid ah taa haweenaydu bixisay isna dhankiisa ka qabsadey odey yuusuf muuse aadan oo isagu sheegay inanu dalka ka bixin tan iyo intii soamliland xornimada la soo noqotay wuxuuna sheegay inuu intaaba arkayey xubnaha waddani ka dhex qaylinaya ee isbadalka ku baaqaya oo dalka midba wakhti iyo xukuumad ku soo jiray” adeer anigu da,daa aan ahay dalka maalin kama bixin ragan maanta ina leh isbadal baan dhalinaynaa waxaan usoo joogay iyagoo midba maalin xukuumad ku jira oo xil haya waxay u badan yihiin dalboobayaashii cunay dhulkii iyo qasnadihii dalka markaa isbadalka ay doonayaan halkuu ka imanayaa  waxaa intaaba ka siidaran murrashaxa ay dhisayaan ee cabdiraxmaan cirro la yidhaahdo miyaanu ahayn ninkii 12ka sanno maamulayey gollaha baarlamaanka ee xeerarkii dalku ku baaqdeen cabdiraxmaan kale ayuu soo noqdey miyaanu ahayn ninkii kursigiisa baashe ku feedhay adeer anigu meel isbadal ka dhalan karro ma arko ee malaa ummadda caqligeeda ayaa lagu ciyaarayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here