“Mujaahidiintaa Dalkan U Shihiiday Ee Uu Ka Hadlayey Muuse Ifkaba Colbay Ku Ahaayeen, Walaahinaanu Mid Salaamayn, Waa Nimanka Uu U Bixiyey Waa Mahbarka, Isaga Ciilkiisay Qaar Ka Dhinteen” Siyaasi Abiib Timacad

0
612

Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ka mid ah Madaxda xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyey Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu qayb ka yahay boobka hantida dadweynaha, isla markaana xukuumada Kulmiye ay badhkiisa siiso marka ay iibiso hantida ummadda ee dekeda Berberi ka midka tahay.

Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Timacad) ayaa sidaasi ka sheegay khudbad uu maanta u jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Berbera, waxaanu intaasi ku daray in Mujaahidiintii geeriyooday ee Muuse Biixi uu ku beerlaxawsanayey dadka markii ay ifka joogeen Mujaahidiintaasi uu Salaanta la dhaafi jiray oo uu col la ahaa Muuse Biixi.

Abiib Diiriye Nuur oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Walaalayaal Kulmiye isku sheegi mayno hoggaankiisana wuu ka dharagsan yahay nin waloo halkan joogaaba wuu ka dharagsan yahay. Walaalayaal wuxuu maalin dhaweyd Burco ka yidhi (Muuse) Waddanibaa Xamar tagaya, Waddanibaa Xamar u socda. Wuxuu yidhi hebeloow mujaahidiintii dalkan u shihiiday ee Aadan Saleebaan lahaa, ee Mahdi Cali Saleebaan Lahaa, ee Huseen Kharash-yare lahaa, ee Ina Macalin Haaruun lahaa, ee Faarax Karays lahaa, Intii buu soo tiriyey isagoo ku beerlaxawsanaya dadkaa uu la hadlayey.

Walaalayaal Mujaahidiintaa uu ka hadlayey ifkaba colbay ku ahaayeen, Walaahinaanu mid Salaamayn, waa nimanka uu u bixiyey waa Mahbarka, waa mahbar buu odhan jiray nin qudha muu salaami jirin, isagay qaar ka dhinteen, isaga ciilkiisay qaar ka dhinteen.

Waligii iyo alihii sidii halkan looga sheegay marbuu taliye noqday, marbuu Wasiir noqday, markii uu Taliyaha naqday waad ogtihiinoo Siilaanyo ayuu Qaaxo jidgooyo ugu galay meesha Laanqayrta la yidhaa Illaahay ayuunbaa bixiyey, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waakii madaxa iskaga duubay, waakii yidhi yaad isku halaynaysaa, gaal iyo islaamba wax ka furfura ayaa la waayey.

Daahir Rayaale ayuu isku duubay oo marag ayaad ka ahaydeen, nin waloo Madaxweyne Somaliland ka noqdayba madaxuu iskaga guudbay Cabdiraxmaan Tuur Alle ha u naxariistee kuwii uu kadinka kaga baxay ayuu ka mid ahaa.

Walaalayaal Kulmiye waynu naqaanaa dalkan iyo dadkan isagaa baabiiyey aaway Dekedee Berberi, aaway Raasigii, aaway dhulkii, aaway dhulkii dawladu, isagu ma waxaad moodaysaan inuu ka qatan yahay, waalin waloo ay wax qashaan way siiyaan Waaxdiisa, way siiyaan badhkiisa, wuu qaataa wuu dhigtaa badhkiisa cidna wax kama siiyo, wuu urursadaa uun, labada jeer marna khasaari maayo, haduu dhacana lacagbuu haystaa.” Ayuu yidhi Abiib Timacad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here