“ Muuse Biixi Isagoo Inanyar Ah Oo Qurux Badan Oo Xiddigo Halkaa Ka Joogaan Buu Galay Hawd iyo Miiga Itoobiya” Xildhibaan Obama

0
675

Wafigii Ololaha Xisbiga Kulmiye ee uu Hogaaminayey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo  safarkoodu galay maalintii saddexaad ayaa maanta kala qeyb galay Ololaha  iyo isugu soo baxa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil isagoo waftigaasi qeyb ka ahaa Masuuliyiin uu hogaaminayey  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye islamarkaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi iyo Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, Kumanaan ka mida Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil  ayaa isagu soo baxay Fagaaraha kheyriyada Magaalada Berbera halkaasi oo ay masuuliyiinta Xisbigu ka jeediyeen Khudbado badan oo dhinacyo kala duwan taabanaya.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo kamida Xildhinaabada Golaha Wakiilada Somaliand ee Xisbiga Kulmiye oo isagu qeyb ka ahaa waftigaasi Gudoomiyaha  ayaa ka hadlay  Fagaaraha Kheyriyada Magaalada Berbera ugu horayna waxa uu yidhi “ Ugu horayn reer berberow waxaynu doonaynaa Laba iyo toban (12) cisho dabadeed food baa dhacaya dabadeed waxaa loo foodayaa Dimuqraadiyad, waxaa loo foodayaa Nabadgelyo, waxaa loo foodayaa Ciidanka oo la adkeeyo, waxaa loo foodayaa ictraaf oo aynu helno, waxaa loo foodayaa waxa aad doonaysaan hadaad reer Berbera tihiin, waxaynu doonaynaa inaynu kaadhadhka ilaashano waxaynu doonaynaa inaynu si nabad gelyo ah u foodno, waxaynu doonaynaa inaynu xisbiga aynu doonayno foodno, waxaad doonaysaan reer berberow oo wada doonaynaa oo Somaliland oo dhan wada doonaysaa inaynu u foodno Muuse Biixi Cabdi, waxaanu idinka codsanaynaa hadaad reer berbera tihiin inaad food mug leh oo balaadhan oo boqolaal kun laysku dhaafo inaad siisaan Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo aad doorataan mujaahidka Muuse Biixi Cabdi ” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Masuuliyiinta uu hogaaminyo Xildhibaan Obama ayna qeyb ka ahaayeen Ciyaaraha Gaardiska iyo Baam-Boyda ayaa gaadhay Degmada Sheekh halkaasi oo ay dadweynaha ku dhaqan Degmadaasi kala qeyb galeen banaan baxa ay ku muujinayeen cududooda taageero ee ay u hayaan Xisbiga Kulmiye,  waxaana madashaasi oo ay soo  goob joog ka ahaayeen  taageerayaal tira badani  hadal ka jeediyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “  waxaynu kala dooran doonaa saddex xisbi ugu horaynab waxaan idinkula dardaarmayaa inay si wacan oo nabad gelyo ah inoogu dhacdo doorashadaasi, Sidii  La Doono Haloo Kala Foodo Saddexda Xisbi Qaranba Waa Saddex Xisbi Qaran Kii Aad U Foodo Iyo Kii Aad Ka Foodaaba Waa Xisbiyadeenii, waxaan jeclaan lahaa inaan walaltinimo ku kala foodno nabad gelyana aan ku kala foodno oo aynu adkaysano nabad gelyada, nabad gelyadu waa waxa keliya ee dalkan iyo qarankeenan ka iibinayno markaa ugu horaynba hadaad muxaafid tahay iyo hadaad mucaarid tahayba waxaa fiican oo qurux badan inaynu si nabad gelyo ah u wada foodno oo ka kaa fooda uu yahay walalkaa kaad u foodaana uu yahay xisbiga aad wadato hadba aynu doonayno inaan soo saarno, inagu waxaynu  wada nahay xisbiga kulmiye isagaynu u wada foodaynaa” ayuu idhi

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Waxaan qabna reer sheekhow Muuse Biixi Cabdi inuu keenayo horumarkaa aynu sheegayno, waxaynu hubnaa Eebbe (SWT) idinkii aynu ka rajaynaynaa Mujaahidkaa dalkan horeeyey, mujaahidkaa dalkan usoo dagaalamay  mujaahidkaa dalkan oo la gumaysanayo ka dhiidhiyey isagoo inanyar ah oo qurux badan oo xidigo halkaa ka joogaan buu galay hawd iyo mii iyo Itoobiya, halkaas buu kasoo bilaabay siduu dalka u xorayn lahaa, waxaynu ku aaminaynaa Ciidamadeena waxaynu ku aaminaynaa adigu waxaad doonayso   waxaynu ku aaminaynaa caruurtaada, mujaahidkaa isaga ah baynu u wada foogaynaa saw maaha ? Miyaad ka shakisan tihiin Mujaahidka ? Mujaahidkaasi waa ninka Sheekh wax ka dhigaya ee Somaliland wax ka dhigaya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here