NAXDIN: Aroosad Sun Ay U Qooshtay Ninkeeda Ku Dishay 15 Qof Oo Kale

0
593

Booliiska Pakistan ayaa xidhay haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisa ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weysay.

Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baadhitaan lagu sameeyo.

“Dadka la xidhay oo dhan waxaa lagu soo oogay dacwado la xidhiidha argagixisada, sababtuna waa in dadka deegaanka aysan ku dhiiranin in ay sameeyaan falalka galaafan kara nafta dad badan” ayuu yidhi Mr Aweys.

Balse maxkamadaha ayaa qodobka argagixisada meesha ka saara inta badan marka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here