SHALAY: Bulshada Degmada Balli-cabbane Oo Isku Soo Bax Ku Muujiyey Taageeradooda Musharraxiinta KULMIYE

0
659

Qaar ka mid ah Dadweynaha degmada Balli-cabanne ee gobolka Hawd ayaa isu soo bax ballaadhan oo ay Maalintii Shalay ku muujiyeen dareenkooda siyaasiga ah , waxay taageero isla barbar taageen  xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka u tartamaya doorashada Madaxtooyada ee 12 maalmood kadib u qorsheysan inay dalka ka qabsoonto haddii Allaah ogolaado.

Dadkan oo isku soo bax ballaadhan ku sameeyay Gudaha Degmadaasi, ayaa waxa Isku soo baxooda kala qayb-galay Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Hay’adda Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday, waxayna Dadweynaha uga Mahad-celiyeen siday iskugu soo baxeen ee ay Taageeradooda u muujiyeen.

Ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Xubin ka mid ah Dhallinyarada Degmada Balli-cabbane waxaanu isagoo daba socda Hadallo ay Warbaahinta mariyeen Xubno Magaca Beesha Degmada Ballo-cabbane sheegtay oo ay ku biiray Xisbiga WADDANI ayuu yidhi “Afar Nin ama Laba Nin Midna Magaca Dadka Deegaanka Balli-cabbane ma isticmaali karo, Magaca Reerka waxa ku hadli kara oo keliya Suldaanka Reerka, sidaasi darteed Dadku Degmada Balli-cabbane iyagaa Maanta (Shalay) isa soo Abaabulay si ay u muujiyaan Taageeradooda Xisbiga KULMIYE. Waxaanu leenahay Muuse Biixi ha guuleysto, Kulmiye ha guuleysto, Somaliland ha jirto.”

Suldaan halkaa ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Walaaleyaal, Dadweynaha Balli-Cabbanoow taageerada aad KULMIYE u haysaan waxa Caddaynaysa sidaad iskugu soo baxdeen.”

Mid ka mid ah Waxgaradka Degmada Balli-cabbane ayaa isaguna sheegay  “Degmadu waxay leedahay Mowqif ku jihaysan Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax Muuse Biixi Cabdi.”

Xildhibaan Ilyaas oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo isaguna hadal u jeediyey Dadweynaha iskugu soo baxay Degmada Balli-cabbane, ayaa u sharraxay waxyaabaha uu Xisbiga KULMIYE wax ka qabanayo, haddii Shacabka reer Somaliland Codkooda siiyaan Musharrax Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay haddii la doorto inay wax weyn wax ka qaban doonto Adeegyada kala ah Caafimaadka, biyaha, Waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee Nolosha muhiimka ah sida Shaqaalaha oo kor loo qaado Noloshooda.

Agaasimaha Hay’adda Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu habeen dhawayd Warbaahinta ka daawaday Nin Magaciisa sheeganaya oo sheegaya in Bulshada Degmada Balli-cabbane ku biirtay Xisbi kale, arrintaasi oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay, “Tv-ga ayuun baan daawaday, markaas ayuun baa la yidhi imikana waxa idinla hadli doona Axmed Xaashi Oday oo WADDANI ka tirsan, dabadeedna halkii laga filayey inuu Tv-ga ka soo baxo Axmed Xaashi Oday, ayaa waxa ka soo baxay Nin Madow oo Shaarubo waaweyn, markaa Xisbiga KULMIYE maaha Xisbi maanta la idin odhanayo doorta, oo hore ayaad u doorateen, Intuu jiray KULMIYE ayaad ahaydeen, Maantana KULMIYE ayaynu nahay.” Ayuu yidhi, Dr. Axmed Xaashi Oday.

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Waxgarad iyo Haween ka mid ah Bulshada Degmada Balli-cabbane ee Gobolka HAWD, waxayna dhammaantood sheegeen inay Hiil iyo hooba la garab taagan yihiin KULMIYE iyo Musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here