Hoggaamiyihii Jabhada Mucaaradka Ah Ee Suudaan Oo Lasoo Xidhay

0
1004

Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa xabsiga u taxaabay madaxii jabhadda Janjaweed kaas oo lagu tuhunsanyahay in uu gobolka Dafuur ka geystay falal lid ku ah xuquuqda bini’aadamka.

Muusa Hilaal ayaa lasoo xiray kadib markii uu la dagaalamay ciidammada Suudaan meel u dhow gurigiisa oo ku yaala waqooyiga Daafuur.

Waxa uu horay xulufo ula ahaa madaxweyne Cumar Al Bashiir, isaga oo hormuud ka ahaa jabhadda dowladda taabacsan ee Janjaweed.

Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Xabiib ayaa sidoo kale lagu xiray isku dhaca ka dhacay Waqooyiga Daafuur sida uu sheegay wasiirka difaaca Suudaan Jeneraal Cali Maxamed Saalim.

“Waxaa lasoo xiray markii isku dhacyo ay halkaas ka dhaceen, xaaladda ammaanka ee meeshaas waa ay degentahay, dhawaana Khartuum ayaa la keeni doonaa” ayuu yidh wasiirka.

Muuse Hilaal ayaa loo magacaabay la taliyaga madaxweyne Al Bashiir sanadkii 2008-dii , balse markii dambe ayay isku dhaceen labada nin.

Ciidammadiisa ayaa si joogto ah ay isku dhacyo u dhexmari jireen kuwa dowladda.

Isku dhacan ugu dambeeyay ayaa dhacay kadib markii ciidanka dowladda weerar gaadmo ah lagu qaaday xili ay ku guda jireen hawl hub ka dhigis ah oo qeyb ka ahaa heshiis nabadeed.

Militariga Suudaan ayaa sheegay in ay ka dhinteen illaa 10 askari.

Muuse Hilaal ayaa diiday in uu hubka dhigo, wuxuuna sidoo kale diiday in uu galo wax wadahadalo waanwaan ah.

Xasarada Daafuur ayaa bilaabatay sanadkii 2003-dii markii jabhad dadka madoow ah ay halkaas ka kacday , iyaga oo dowladda ku eedeeyay in ay daryeeleyso dadka carabta oo kaliya.

Taas waxaa jawaab looga dhigay in la abaabulo jabhadda Janjaweed oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka tahay gabood falo badan.

Maxkamadda adduunka ayaa waaran xarig u jartay madaxweyne Al Bashiir isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal sanadkii 2010-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here