Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Dabray Dhamaan Xisabaadkii Socdey Iyo Nuxurka Wareegto Uu Faray Baananka Ay Wada Shaqeynta Leeyahiin.

0
1224

Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland Mudane Siciid Saleeban Mire ayaa amaawir culus dul-dhigey masuuliyiinta xukumadda madaxweyne silaanyo, Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland waxaa uu sheegay in aan wax lacag ah laga saari Karin xisaabaadkii socdey marka laga reebo waxyaabaha daaruuriyaad ka ah, waxaanu sidoo la socodsiisey haa’yadaha ay wada shaqeynta leeyahiin kuwaas oo ay ka mid yihiin baanka Dahabshiil, baanka dhexe iyo salaama bank.

“waxaa lagu jiraa wakhti kala guur ah oo ay is badalayaan laba madaxweyne, waxan gudbinayaa fariin quseysa dhamaan haa’yadaha qaranka  jamhuuriyada Somaliland, Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland waxaa uu joojiyay anagoo la socodsiineyna haa’yadaha aan wada shaqeynta leenahey sida baanka dhexe, baanka Dahabshiil, salaama bank iyo primiyer banka, waxa la joojiyay xisaab socotooyinkii dhamaan haa’yadaha qaranka inaan waxba laga saari Karin xil wareejinta marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaad ka ah, oo aan dib kasoo sheegi doono waxan la socodsiineynaa dhamaan bangiyada aan kor kusoo sheegney” ayuu hadalkiisa ku sheegay Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland.

Mudane Siciid Saleeban Mire Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland isagoo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku ladhey” gaadid dawladeed oo sita bileedh dawladeed amar waxay ku qabaan haa’yadaha amnigu ama boolisku masuulkii donaa ha wato in gaadhigaas halkiisa lagu qabto, maadama oo wakhti kala guur ah ay tahay waxan u baahaneyn in wax kastaaba si sax ah u dhacaan, waxaa sidoo kale la joojiyay mashaariicda ku shirta 2017 ee aan fulin waa la joojiyay waxaana loo riixayaa sanadka danbe, wax mashaariic ah oo lasii dayn karaa majiraan “hadalkiisa ku sheegay Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland Mudane Siciid Saleeban Mire

Ugu danbeyn hadalkan kasoo yeedhay Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland ayaa waxaa uu noqonayaa mid xadida hantida qaranka Somaliland oo wakhtiyada kala guurka ay masuuliynta xilalka kasii dagaya ay boobaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here