Xildhibaan Mustafe Qodax Oo Ka Marag Ka Cay Dimuqraadiyada Taal Dalkii Uu Ka Doorsadey Aqalka Sare Ee Muqdisho

0
941

Xildhibaan ka tirsan Golaha sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa waxa uu soo dhaweeyey qaabkaii ay u dhacday Doorashada Somaliland ka dhacday bishan horaanteedii.

Xildhibaan Qodax oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu madaxweynaha cusub ku boorinayo dardar gelinta Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, si natiijo kama dambeys ah looga gaadho.

Waxa kale oo uu amaan u jeediyey Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, sida fiican ee ay u aqbaleen natiijada Doorashada.

Xildhibaankan oo dhawaan Somaliland ka tegay, kaddibna horaantii sanadkan ka qayb-galay Doorashadii dadbanayd ee lagu soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaliya, ayaa sheegay inay Somaliland ka dhabaysay himiladdeedii dimuquraadiyada.

Halkan ka Daawo:

Madaxda dawladda Soomaaliya, ayaa aad u amaanay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Somaliland ka dhacday, iyagoo ka markhaati kacay sida ay shacbiga iyo dawladduba ugu heellan yihiin ilaalintaa midnimada iyo wada-jirka Qarannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here