Xuska Maalinta La-Dagaalanka Cudurka HIV-AIDS-ka Oo Si Weyn Looga Xusay Somaliland

0
1288

Xuska Maalinta la-dagaallanka Cudur Sidaha HIV ee dhaliya Xanuunka dilaaga ah ee AIDS oo Adduunka oo dhan laga xuso 1-da bisha December Sannad kasta, ayaa Shalay si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kaasoo uu hoos uga dhacay dhulka Somaliland xaddigii uu sannadihii ka horreeyey sannadkan.

Komishanka La-dagaalanka iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS ee Somaliland (SOLNAC) ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay laba xafladood kuwaas oo lagu xusaayay maalinta caalamiga ah 1-Dec oo loo asteeyay xuska maalinta AIDS-ka adduunka.

Labadan xafladood oo ku kala qabsoomay hudheelka Emprial iyo xarunta degmada Axmed Dhagax ayaa laga jeediyay khudbado kala duwan, dad tiro badan oo labadan xafladood isugu yimi loogu sharaxaayay xanuunka AIDS-ka, masuuliyiinta goobahan ka hadlaayay ayaa halkudhiga sanadkan sheegay inuu yahay in meesha laga saaro takoorka loo muujiyo dadka qaba xanuuna AIDS-ka, isla markaasna lagu taageero inay nolashooda caadiga ah wataan, wax cadaawad ahna aanay bulshada kula kicin.

Sida oo kale inbadan oo dadkii xafladahan ka soo qaybgalay ah ayaa loo sameeyay baadhitaan caafimaadkooda lagaga hubinaayo inuu qabo xanuunka ADIS-ka, waxaana goobtaas si toos ah isaga baadhay dad aad u tiro badan.

“Dadka waa in la soo dhaweeyaa oo aan la faquuqin waayo waa dadkeenii markaa dadka mar la inoo sheego waa in la soo dhaweeyaa oo waxa aad siin karaysaan siiya, dhibaatooyin bada ayaa lagu hayaa dadka, jaarka ayaa ka mid ah oo dhibaatada ugu badani ay tahay, xaafad ayaan deganahay anigu imanka in kasta oo aan anigu ka tanaasulay hadda oo aan uba joojin haddana culays ayaa lagu hayaa carruurtayda, dad badan oo kale ayaa ila mid ah oo intaa cabanaya, anigu uma joojiyo carruurtay waan iska haystaa waxna way ii bartaan, 11 sanno ayaan la noolahay xannuunka in kale oo badan in aan la noolaado waan sugayaa waayo dee nolosha Illahay ayaa iska leh, 5 carruur ah ayaan ku dhalay xanuunkan shantuba way caafimaad qabaan” sidaa waxa  tidhi hooyo la nool xannuunka AIDS-ka oo ka mid ahayd dadkii sannadkan ka soo qayb-galay xuska maalinta la-dagaallanka Cudurka HIV/AIDS.

Kulan kale oo ay soo abaabuleen Komishanka La-dagaalanka iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS ee Somaliland (SOLNAC) oo shalay lagu qabtay xarunta Komishanka La-dagaalanka iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS ee Somaliland (SOLNAC), ayaa waxa ka soo qayb-galay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed, wasiirka wasaaradda dhaqanka iyi dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf, Agaasimaha Komishan la dagaalanka iyo xakaymaynta AIDS-ka Naasir Ay-jeex Jaamac, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Geelle, Guuleed Cismaan oo ku hadlayay afka ururka tallo-wadaag iyo ma’suuliyiin kala duwan oo ka socday Ha’yaddaha Waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu horrayn waxa kulan ka hadlay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed waxaanu yidhi “Xannuunkaasi waa xannuun alle keeno dadkana wuu ku qadaray,asbaabaha uu ka yimaado madaama oo loo badiyay galmada qaladka ah,waa masiibo ku dhacaysa qofka waxaa qaladka ah sameeya,si kasteba ha haaatee inagu waynu u naxariisanaynaa,waayo qofku marka uu dhibaataysan yahay dhibaatadiisa laguma digto lagumana caayo waa qadar alle keenay”ayuu yidhi wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed.

Agaasimaha komishanka AIDS-ka Naasir Ay-jeex Jaamac oo isagu halkaa ka hadlay ayaa yidhi “maanta waxa weeye maalinkii xuska HIV/AIDS-ka aduunka 1.December,waana maalinka laga xuso aduunka cudurkan,waxaana aduunyadu isku raacday in sanad walba maanta oo kale la xuso,si loo ogaado inta u dhimatay iyo inta kusoo korodhay.Sida ay sheegeen hay;adaha quruumaha ka dhaxaysa oo ku hawlan cudurkan,waxay ku qiyaaseen dadka la nool AIDS-ka Afartan Milyan oo qof,waxaanay dadkaasi intooda badan ku nool yihiin qaarada Afrika.Inaste oo dadaal badan la sameeyey hadana laguma guulaysan in dawo loo helo,sidaa daraadeed badalka waxa loo helay dawo si joogta ah loo qaadanayo dadka qaba cudurka joojiyana awooda difaaca.Somaliland cudurkani wuu ku jiraa,inkaste oo marka loo eego qaarada Afrika uu ku yar yahay.

Agaasime Naasir Ay-jeex Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Cilmi-baadhista Somaliland waxay sheegtay waa xadiga boqolkiiba 0.76 (Siiro Boynti Saban Sikix),balse xarumaha lagu baadho HIV/AIDS-ka waxa lagu  arkaa dad cusub,dadkii dawada loo bilaabay waa 2,200 (Laba kun iyo Laba boqol) oo qof,1600 (Kun iyo Lix Boqol) way qaataan dawadii 200 (Laba boqol) way dhinteen 300 (Saddex Boqol) way joojiyeen 100 (Boqol-na) meelo kale ayay tageen,markaas cudurkaasi waa cudur aafo ah,hadii aan laga wacyigalin oo laga waajihin sida runta ah waxyaalo badan ayuu asiibayaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobaya agaasimaha komishanka AIDS-ka Naasir Ay-jeex Jaamac

Xuska Maalinta caalamiga ah ee la-dagaallanka Cudurka HIV/AIDS, aya laga xusaa sannad kasta 1-da bishan December

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here