Hogaamiyaha Khaatumo Oo Ka Hadlay Kullan Uu La Qaatay Madaxweynaha La Doortay Iyo Heshiiskii Tabashadooda Lagu Saxal Saaray Oo Uu Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey

0
780

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay kulamo kala duwan oo uu la qaatay madaxweynaha la doortay ee somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuuna ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen. Cali Khaliif ayaa sheegay inay madaxweynaha wakhti fiican wada qaateen isla markaana ka wada hadleen heshiisyadii dhex maray somaliland iyo Khaatumo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynaha la doortay ilaa iyo hada laba jeer ayaanu is aragnay wakhti badana waanu isku helnay, waxyaalaha aanu ka hadlaynayna waa arimaha guud ee somaliland, xisbigii uu muuse ka tirsanaa ee Kulmiye ayaa maamulka gacanta ku hayey, rag ay xisbigaas ay wada yihiin ayaanan mudo laba sano ah wada hadal lahayn, Muuse-na  wuxuu ahaa musdambeedka maamulka iyo xisbiga, wixii aanu hore ugu heshiinayna wuu la socday  taas ayaanan hada isla soo qaadnay iyo doorashadii aan isaga, xisbiyada iyo shacabka somaliland ku bogaadiyey sidii nidaamka  fiican ahayd iyo nabad galyada ee wax waliba ku dhamaadeen.” Ayuu yidhi Cali Khaliif oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay ee somaliland uu taageersan yahay heshiisyadii ay wada galeen xukuumadii hore waxaanu yidhi “Muuse Biixi iyo labada xisbi ee mucaaridka ah madaxdoodu taageero buuxda ayey siiyeen wada hadalada iyo heshiiskaas aanu galnay, Muuse-na xisbigiisa ayaaba maamulka gacanta ku hayey shirkaasna isagu noomuu iman laakiin maalmo ka bacdi ayaanu Caynaba ku shirnay, heshiiskana wuu hayey,  isaga iyo murashaxiintii kale ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Wareeba way ku soo qaadeen khudbadahoodii, intii doorashadu dhacdayna waanu is aragnay waxaana nasiib wanaag ah inay sadexduba leeyihiin waanu taageeraynaa heshiiskaas iyaga oo diyaar u ah in halkaas laga sii anbaqaado hir gelintiisa”  Cali Khaliif ayaa sharaxay qodobo ku jira heshiiska ay wada galeen xukuumada somaliland kaas oo ku saabsan in la helo somaliland la wada leeyahay waxaanu yidhi “Waxa looga jeedaa somaliland waa la wada ahaa  (Somaliland Protectorate ) laakiin somaliland-tan hada maamulka yeelatay  iyada oo ay jiraan dad ka tirsani laakiin hadaanu khaatumo nahay waxaanu u arkaynay inaan la wada lahayn,  doorashooyinka dhulkan ka dhacayey  aaga aanu ka nimid way ka maageen inay is diwaan geliyaan, markii ugu horaysay ayaanay ka qayb galeen doorashada iyada oo inta badan dadku aanay is diwaan gelin, wixii la wada leeyahay ha noqoto hay’addaha dastuuriga ah ee baarlamaanka iyo golaha guurtida iyo hay’addaha kale ee dastuuriga, waxaana hay’adahaas laga helayaa afraad ka timid dhulkayaga laakiin meel talada miisaaman lagu leeyahay mar walba waxa uu dareenku ahaa inaan loo dhamayn, khaatumana barnaamjkeeda ayuu ahaa.”

Cali Khaliif ayaa sidoo kale ka hadlay saami qaybsiga dawladnimada somaliland waxaanu yidhi “Saami qaybsiga iyo awood qaybsiga  mooyaane waxa kale oo jira arimo wax weyn noogu fadhiya oo ah haddii ay somaliland tahay meel la wada leeyahay waa inay ka muuqato dareenka aanu ka qabno habkan uu hada maamulkani ku socdo, arimo anaga aan gaar noo ahayn oo ah meeshan inay ka jirto sharci, kala dambayn iyo cadaalad sugani, inaan amar ku taaglayn uu qof iyo kooxi ku kacdo aanay jirin, arimahaasna khaatumo ahaan kaliyaga gooni ugu doodi mayno ee dadka ayey dan u tahay, kuwa noo gaarka ahina waa qodobaas.”  Ugu dambayn Cali Khaliif ayaa ka hadlay heshiiska ay xukuumada la galeen iyo waxyaabaha Khaatumo doonayso “Hada wax aanu cayimayno oo aanu odhanayno intaas ayaanu rabnaa ma jirto laakiin haddii heshiiska la fiiriyo waxaanu doonaynaa awood qaybsi ama ha noqoto xukuumada, baarlamaanka, golaha guurtidii, shaqaalaha dawlada, cadaalada iyo ciidamada, anagu waxaanu qabnaa inay intuba noqdaan kuwo cadaalad ku dhisan oo ay qayb ka noqdaan dadka aaga aanu ka nimid.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here