Shiinaha Oo Xidhay Dugsi Dumarka Lagu Barayey Duruus Ah In Aanay Raggooda Isku Dhererin

0
753

Maamulka dalka Shiinaha ayaa albaabada isugu laabay machad haweenka lagu barayay inay Raggooda u dhega-nuglaadaan una dabacsanaadaan.

Iskuulka oo sheegay in casharrada ay yihiin kuwa ka tarjumada “wanaagga dhaqanka”, waxaa lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay qiimaha aragtida hanta-wadaagga.

Muuqaal internet-ka la geliyay wuxuu muujinayaa macallimiin sharaxaya casharro ka soo hor jeeda sinnaanta ragga iyo dumarka (sida Dalkaa laga aamisan yahay), halka qaar ka mid ah bareyaasha ay Haweenka kula talinayeen in ayna la dagaallamin haddii la garaaco.

Iskuullada noocan ah ayaa Shiinaha ku soo badanayay sanadihii ugu dambeeyay.

Muuqaalka oo aad u baahay waxaa ka muuqdo macallimiinta Iskuulka Caada-Dhaqameedka ee Fushun oo dumarka u sheegaya in ayna isku deyin in ay waxbartaan, “ayna ku noolaadaan heerka hoose oo keli ah”.

Sidoo kale, macallimiinta ayaa dumarka ku baraarujiyay in si shuruud la’aan ah ay ugu hoggaansamaan aabeyaashooda, Raggooda iyo wiilashooda.

Talooyiinka kale ee uu bixiyay iskuulkan waxaa ka mid ah in dumarka ayna dood ka keenin haddii la garaaco iyo in ayna weligood isku deyin in ay furriin dalbadaan.

“Wax kastoo seygaaga ku weydiiyo, jawaabtaaadu waa in ay noqotaa: ‘haye waan aqbalay”, Waxaa sidaas ardeyda u sheegtay mid ka mid ah macallimiinta dumarka ah.

Muuqaalka waxaa ku jiray dumar sameynaya shaqada guriga sida nadiifinta dhulka iyo musqulaha, iyagoo gacmahooda adeegsanaya.

Sida uu qoray Wargeys lagu magacaabo Global Times, qaar ka mid ah shaqaalaha iskuulka, oo la furay 2011-kii, ayaa diiday in la xidho, waxayna majalladda u sheegeen in muuqaalka la baahiyay uu ka been abuurayo shaqadooda oo ah in ay horumariyaan caado-dhaqameedka.

Warbixin lagu daabacay barta Weibo oo ah xafiiska waxbarashada Fushun ayaa lagu yidhi: “Casharrada iskuulka waxay lid ku yihiin anshaxa bulshada waana in si deg-deg ah loo xidho”.

Sidoo kale waxaa la amray in baadhitaan ballaadhan la sameeyo oo la raadiyo haddii ay jiraan iskuullo kale oo midkan la mid ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here