“Waxaanu Jecel Nahay Inaynu Jeegaantii Iyo Gar-Xajiskii Iska Laab-Laabno…” Faysal Cali Waraabe

0
758

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha cusub ee la doortay looga baahan yahay inay ku Dadka ku adkayso ku dhaqanka Sharciga isla-markaana la kala saaro Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta.

Faysal Cali Waraabe oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu Madaxweynaha Xilka ka sii degayaa ku furay Maktabad Qaran oo isaga loogu Magac-daray, ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ahi diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay, haddaanu isagu diyaar u ahayna ay sii wadi doonaan waxa uu ugu yeedhay ‘Ku Giiji’, waxaanu yidhi isagoo Arrimahaa ka hadlaya “Waxaanu jecellahay in ku giijidii aynu ku beddelno hala wada qabto, Waayo? Dalkani horumar ayuu u baahan yahay, halkaa uu Madaxweyne Siilaanyo keenay inaynu hore uga sii soconno ayaynu u baahan nahay, Wasiirradii la soo shaqeeyay Madaxweynuhu way Mahadsan yihiin, intii hore inoo kala gaadhay intaa ha ku dhamaato, haddii Alle yidhaahdo Weji cusub ayaynu bilaabaynaa.”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Khaatumo sugayso in la dhamaystiro wixii ka dhexeeyay Somaliland “Cali Khaliif iyo Kooxdii Khaatumo waa kuwa halkan jooga, way inna sugayaan inaynu dhamaystirno oo Buuhoodle midayno, bariga Sanaag tagno” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in laga gudbo isbahaysiga Beelaha Somaliland “Waxaanu jecel nahay inaynu Jeegaantii iyo Gar-xajiskii iska laab-laabno.”

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in la soo saarayo Sharci adag “Waxaanu soo saaraynaa Sharci kala saaraya Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “ Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu ahaa Nin Macaan, laakiin hadda waxaanu bilaabaynaa Qadhaadhkii oo Waddanka Sharcigii ayaanu ku soo dabbaalaynaa..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here