Musuq-maasuq Xadhkaha Goostay Oo Ka Dhex Dilaacay Waaxdii Gaadiidka Hawlaha Guud Iyo Agaasimihii Gaadiidka Oo Murdiyey Dhaqaalihii Waaxdda Gaadiidka

0
1055

Musuq-maasuq xadhkaha goostay ayaa buux dhaafiyey waaxdda gaadiidka ee wasaaradda hawlaha guud taas oo ah waax ballaadhan oo culeyskeeda leh sidoo kalena ah waax il dhaqaale ah oo dakhli badani qaranka uga soo xaroodo kaas oo haddii sidii loogu tallo galay loo maamuli lahaa waxbadan ka tari lahayd baahiyaha dhaqaale, waaxdan oo maamusha gaadiidka iyo liisamada dalka, ayaa waxaa soo ifbaxay muq-maasuq iyo wax isdaba marin uu daris la noqdey agaasimaha waaxda gaadiidka Maxamed Axmed Sugaal oo ah agaasimaha ay dusha ka saaran tahay maamulka waaxda gaadiidka ee Wasaaradda hawlaha guud, Agaasime Maxamed Sugaal ayaa ah masuul xariif ku ah wax isdaba marinta maaliyada isagoona isticmaala xeeladdo badan oo ku dedaayo lacagihii uu musuqay, waxaana jirra hanan qarsoon oo ku maxaafsaddo maaliyada soo gasha waaxda gaadiidka, isagoo samaystay gacan yareyaal uu carbistay oo si farsamaysan ula saara lacagaha ku soo xarooda qasnada waaxda gaadiidka. kuwaas oo aan cidi kadaba hadal shaqaalaha eegana uu bananka dhigo ama taa badelkeeda ku abaal mariyo shaqo ka joojin maadaama ay soo jaleeceen diranayaal u dhego nugul oo la ruuga lacagaha ku baxa hananka leexsan ee uu samaystay. Sidoo kale caga baruurka waaxda maaliyada waa maxamed sugaale ayaa leh xafiisyo ka baxsan waaxda gaadiidka oo ay ay ku qallin shubateystaan dhaqaalaha soo gala waaxda gaadiidka isaga iyo xulufadda uu carbistay, xafiiskaas qarsoon oo u furan hab-qar sooodi ah oo loogu shawro sidii loo mija xaabin lahaa dhaqaalaha soo gala waaxda looga dhigay agaasimah. Agaasime Sugaal ayaa ah Shaqsi kala xigtaysiga shaqaalaha ka hawl gala waaxda gaadiidka kaas oo kooxo gaar ah ku naas-nuujiya waaxda gaadiidka . wuxuuna noqdey magafe ka dhex dilaacay shaqadii lagu aaminay isagoo dhaafsadey inuu murdiyo dhaqaalaha soo xarooda ee loobaahan yahay in si sharci ah loo maamulo waxaana xadhkaha goostay bixinta shiidaalka iyo qorida lacagaha uu amarka ku siiyo shaqsiyaad gooniya. Xukuumadda ayaa moogan musuqa dhan walba ka ciyey ee Dulhoganaya Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Ee Hawlaha Guud La Soco Numbero gooniya oo lagu shubto lacagaha zaadka ku soo xarooda oo ana xisaab la hayn lana ogeyn lacago gooniyada oo dadka laga qaado halkey maraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here