Xaflad Aad Loo Soo Agaasimey Oo Ay Xillkii Kula Kala Wareegeen Wasiiraddii Hore Ee W/Waxbarashadda & Sayniska Iyo Masuuliyiinta Loo Soo Magacaabay Wasaaradaasi

0
1192

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayey xilkii kula kala wareegeen Wasiirkii Hore ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo Wasiirka dhawaan loo soo magacaabay wasaaradaasi mudane  Yaasiin X. Maxamuud Xiir Fara-toon. Sidoo kale waxa iyaguna xilkii la kala wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashadda mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh. Muxumed Warsame (Dhaga-weyne), iyo Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradaasi mudane Axmed Xuseen Rooble.

Munaasibadaasi oo ay ka soo qayb-galeen wasiiro, xildhibaano, madaxdda waaxaha wasaaradda waxbarashadda, shaqaale weynaha wasaaradaasi, madax ka socotay hay’addaha qaramadda midoobay, masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska, gudoomiyayaasha jaamacaddaha dalka iyo xubno ka socday bulshadda rayidka ah. masuuliyiintii xafladaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa; Wasiirka Cusub ee biyaha Mudane, Saleebaan Cali Koore, Wasiirkii hore ee Shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Mudane Axmed X. Daahir, Gudoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax, Agaasinka Waxbarashadda Gaarka ah Mudane Muuse Shide, Maayaradda Berbara iyo hargaysa iyo af-hayeenka wasaaradda waxbarashadda mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan, waxaanay xafladaasi ku qabsoontay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska.

Waxa munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda balaadhan ee ay wasaaradda waxbarashaddu u leedahay dhismaha qaranka iyo guud ahaan horumarka dhan walba leh ee ay qaranka ugu fadhido. Sidoo kale waxay dhammaan masuuliyiinta goobtaasi ka hadashay ku dheeraadeen waxqabadkii balaadhnaa ee wasiirka xilka ka degayaa ka geystay dhanka waxbarashadda, waxaanay illaahay uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka ugu daro wanaagaa badan ee uu qaranka u soo qabtay mudaddii labadda sano iyo dheeraadka ahayd ee uu xilkaasi hayey, wasiiradda cusubna waxay illaahay ugu rejeeyeen in illaahay xilka uu la garab galo.

Waxa munaasibadaasi xog-waran balaadhan ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaanuu ku dheeraaday wax-qabadkii balaadhnaa ee ay ka soo wada shaqeeyeen wasiiradda xilka ka sii degaya ee mudane habane iyo mudane rooble, waxaanu ku tilmaamay geesiyaal ay tabi-doonto waxbarashadda iyo shaqaale weynaha wasaaradduba. Agaasima guud waxa uu wasiirka cusub iyo wasiir kuxigeenkiisaba ku soo dhaweeyey wasaaradda waxbarashadda, waxaanu ugu baaqay in uu halkaa ka sii wado dedaalkii iyo waxqabadkii balaadhnaa ee ay masuuliyiintaa maanta xilka wareejisey ay soo wada wadeen.

Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Axmed Xuseen Rooble ayaa isaguna munaasibadaasi hadalo dardaaran iyo guubaabo ah ka soo jeediyey waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo sida uu sheegay ay soo dhexmartay shaqo wanaag iyo isku tanaasul, taasi oo u suurto gelisey in ay caqabado badan oo soo wajahay ay si wada jir ah uga gudbeen, waxaanu shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda kula dardaarmay in ay dhan uga soo wada jeestaan danaha horumarineed ee waxbarashadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh. Muxumed Warsame (Dhaga-weyne) ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu uga mahadnaqay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda sidii ay ugu soo dhaweeyeen wasaaradda, waxaanu balanqaaday in uu si habsami leh u gudan doonaan shaqada loo soo egmaday.

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa warbixin dheer oo uu kaga waramayo waxqabadkii balaadhnaa ee uu ka soo qabtay wasaaradaasi ka soo jeediyey halkaasi, waxaanu ku bilaabay; mudane wasiir waxan maanta si rasmi ah kuugu wareejinayaa xilkii wasiirnimo ee aan ka hayey wasaaradda waxbarashaddda kaasi oo aan masuuliyadeeda hayey mudo laba sano iyo badh ah. Intaa aan joogay wasaaradda waxa noo qabsoomay hawlo balaadhan oo ay ka mid yihiin; Diyaarintii iyo daabacaaddii Manhajka waxbarashadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo hadda dugsiyadeenu ku hawl-galaan, diyaarintii iyo naaqishaadii siyaasadda guud ee waxbarashadda qaranka taasi oo hadda taala aqalka madaxtooyadda si ay ugu gudbiso golaha sharci dejinta qaranka, dugsiyadda hoyga ah ee Dubur, Dabayl-weyne, Laascaanood iyo Dayaxa, sidoo kale arrimaha aan sida weyn ugu guuleysanay waxa ka mid ahaa la dagaalanka qishka iyo furitaankii dugsiyadda farsamadda gacanta ee hargaysa iyo burco.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda waxbrashadda mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Fara-toon, waxaanu wasiir cabdilaahi ibaraahim habane uga mahadnaqay sidii halw karnimadda lahayd ee uu waxbarashadda uga soo shaqeeyey waxaanu isaguna balanqaaday in uu dedaalkaa halkaa ka sii wadi doono, waxaanu wasiir fara-toon uga mahadnaqay madaxweyne muuse biixi xilkan uu u soo magacaabay maadaama oo waxbarashaddu tahay mihnadii uu ku soo shaqeeyey mudadii ugu badnayd ee cimrigiisa. Guntii iyo gunaanadkii waxay masuuliyiintani xilkii kula kala wareegeen xafiiska wasiirka wasaaradda waxbarashadda, sidoo kale waxa masuuliyiintaa xilka ka degay halkaa lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku mutaysteen sidii wanaagsanayd ee ay xillkaasi u soo guteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here