“Reer Hargeysoow, Midaynta Somaliland Kuma Xidhna Xuduudka Reer Sheekh Isaxaaq..”Galaydh

0
870

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa mar kale ku celiyey in Heshiiskii ay Somaliland kala saxeexdeen u baahan yahay in la fuliyo.

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo hadal ka jeediyey Hadhimo-sharafeed magaalada Hargeysa loogu sameeyay Siyaasiga Bile Rafle Guuleed oo safar ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in aanay Khaatumo wax gaar ah uga baahnayn Somaliland, laakiin ay doonayaan in loo wada hiiliyo midaynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Galaydh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Heshiisyo waanu kala saxeexanay, laakiin wax dhammaaday ma jiraan, Waayo? Heshiiskani fulin buu u baahan yahay, Waar reer Hargeysoow Midaynta Somaliland kuma xidhna Xuduudka reer Sheekh Isaxaaq, bahashaasi oo aad 25 sannadood ka hor rakibteen halkii dhaafi wayday, ee Annaga Macruuf ha noo samaynina ee aynu Somaliland u wada hiilino. Reer Hargeysoow warkaa idin soo gaadhsiiyey, waar hadday Daacad idinka tahay Somaliland la wada dhiso u hiiliya, haddaydaan u hiilinayna ha nagu eedaynina.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here