Dagaal Khasaaro Dhaliyay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
852

Saaka barqannimadii ayaa waxa Badhtamaha suuqa magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug ka dhacay dagaal uu ka dhashay khasaare iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay ka bilawday kadib markii Askari cashuur qaade ahi uu qof rayid ah ku dilay Xabbad, taas oo sababtay in laba malleeshiyo oo ka kala tirsan labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa qarxay Maalintan jimcaha ah ka dib muddo yar oo lagu jiray heshiiskii ay wada gaadheen labada maamul goboleed ee Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay laba ruux badhtamaha suuqa magaalada Gaalkacayo.

Dagaalkan ayaa waxa soo kala dhexgalay Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda kuwaas oo dhawaan magaalada Gaalkacayo loo geeyay si ay u nabadeeyaan ugana hor tagaan dagaallo markale magaalada ka qaraxa.

Dagaalkan ayaa yimid iyada oo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu ku suganyahay Magaaladda Gaalkacayo isaga oo Bulshada kala wacyi galinayay sidii ay u adkaysan lahaayeen aminiga Magaaladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here