Sheekh Aadan-Siiro Oo Talooyin U Soo Jeediyey Xukuumadda Cusub Ee Somaliland

0
1702

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Hoggaamintii Nebiyullaahi Muxamed (CSW) iyo siday muhiimka u tahay in lagaga daydo.

Sheekh Aadan wuxuu si faahfaahsan uga warramay sifooyinkii Rasuulka ee Saxaabada badhkood ku soo Islaameen ama ay ku Rumeeyeen Rasuulka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin inuu ahaa Mid u naxariista Qofka aan Muslimka ahayn iyo ka Muslimka ahba isla-markaana ilaaliya xaqa ay Dadku ku leeyihiin ama iyaga dhexdooda isku leeyihiin marka la kala saarayo hadday isku qabsadaan wax ka dhexeeya.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ka warramaya Naxariistii Rasuulka (CSW) ayaa Tusaale u soo qaatay Nin reer Baadiye ah oo ku dhex Kaadshay Masaajidkii Nebiga, kaasi oo Saxaabadii Masaajidka ku sugnayd ku wada Qayliyeen, Rasuulkuna uu Naxariis darteed u yidhi “Rasuulku (CSW) wuxuu Saxaabadii ku yidi Waar daaya Kaadida ha dhamaystee” ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray in markii Ninkii Reer Baadiyaha ahaa Kaadida dhamaystay uu amray in Biyo lagu shubo halkii uu ku kaadshay, si loo nadiifiyo.

Sheekhu waxa kale oo uu ka warramay sidii uu Rasuulku iskaga bixin jiray haddii Deyn lagu yeesho ee aanu iskaga weynaynsiin jirin Dadka ku leh hadday yihiin Dad aan awood lahayn iyo haddii kaleba.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Khudbadda Jimcaha Talooyin ugu soo jeediyey Xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Xukuumadda cusub waxaanu leenahay Guusho waxay ku jirtaa in dib loo baadho Taariikhda wixii Islaamku ku guulaystay.”

Sheekhu wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in Go’aannada la qaadanayo laga wada tashado “Go’aannada Rasuulku (CSW) Xikmad badan ayay ku salaysnaayeen, wuxuu eegayey Duruufaha Deegaanka, ma dhicin lagumana hayo Taariikhda Islaamka (inuu yidhi Rasuulku) Qaadan maayo Go’aan aydaan labadiinaasi ogayn, (Labadaasi) waa Wasiirkii koowaad oo ah Abuu Bakar iyo Wasiirka labaad oo ahaa Cumar Binu Khaddaab, waa kuwii Jibriil loo soo diray ee lagu yidhi Nebiga waxaad ku tidhaahdaa ILAAHAY baa idin soo salaamayey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ummadi waxay ku guulaysataa marka kuweeda Aqoonta iyo Kartida lihi ay Talada ka midho-dhaliyaan, taasi ayaa Qofka wanaagsanina ku hoggaamiyaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here