Greek-ga oo joojiyay go’aan magangalyo lagu siinayey duuliye Turki ah oo u basaxday

0
889

Dowladda Greek-ga ayaa sheegtay inay weydiisatay garsoorka dalkeeda inay joojiyaan go’aan sharci ah oo lagu siinayo maganglo qaxootinimo duuliye u dhashay Turkiga.

Duuliyahaan ayaa ka mid ah ahaa 8 shaqaale oo u baxsaday sanadkii lasoo dhaafay Greek-ga, kaddib isku daygii inqilaabkii fashilmay ee Turkiga.

Turkiga ayaa carro ka muujiyay go’aanka lagu siinayo magangalyada duuliyahan oo ka xeyn jiray diyaarad nooca helicopter-ka ah, waxayna sheegtay inay tallaabadan saameyn xun ku yeellan doonto xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ankara ayaa sheegay in Greek-ga uu markale muujiyay inuu hoysiinayo soona dhaweynayo dadkii soo maleegay afgembigii fashilmay.

Toddoba askeri oo kale ayaa ku sugan Greek-ga kuwaasi oo sugaya in go’aan laga gaaro codsiyadooda magangalyo.

 

Dowladda Turkiga ayaa horey shaqada uga joojisay 13 kun oo boolis oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka, Fetxullah Gulen.

In kabadan 2500 oo ka mid ah askartaasi waa taliyayaal, sida dowladdu sheegtay.

Fetxullah Gulen wuu beeniyay eedaha dowladda ee ah in taageerayaashiisa ay abaabuleen afgembigii fashilmay bishii July ee sanadkan.

 

Tobannaan kun oo qof ayaa shaqada dowladda laga joojiyay ama laga ceyriyay, in ka badan 30 kun oo qofna waal a xiray tan iyo markii uu dhacay isku deyga afgembiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here