Madaxwaynaha Shiinaha:Waxaan Caalamka Ka Ciyaari Doonaa Door Wayn 2018

0
1077

Madaxwaynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa sheegay in dalkiisa uu door wayn ka ciyaari doono arrimaha caalamka sanadkan 2018.

Khudbad uu ugu talagalay sanadka cusub ayuu Mr Xi ayaa sheegay in caalamka ay Shiinaha ka filan karaan in mowqif cad ay iska taagaan arrimaha caalamiga ah.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda Shiinaha ay sii adkeyn doonaato taageerada Qaramada Midoobay.

Madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa xusay in dalkiisa ay xalin doonaan arrinta isbadalka cimilada.

Mr Xi ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay sare u qaadi doonto amarka iyo kala danbaynta caalamka.

Madaxwaynayaashii ka horeeyay Mr Xi ayaa ahaa kuwa inta badan aan aad ugu mashquulin arrimaha caalamka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here