Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Waxbarashada

0
759

Kalfadhi ay maanta isugu yimaadeen  Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayey ku  ansixiyeen  Xeerka Waxbarashada oo muddo horyaallay Golahaas fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas, ayaa mudaneyaashu waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen Xeerkaas oo horyaallay ilaa 2014-kii.  Waxaana ogalaadey xeerka qabyo qoraalka waxbarashada oo ka koobnaa 135 xeer  waxaana ogolaadey 45 xildhibaan laba xildhibaan wey ka aamuseen cid diiyey mala hayn  guddoomiyuhuna muu codeyn waxaana sidaa ku ansaxay xeerkii waxbarashada.  Waxaana xeerkan oo muddo dhawr sanadood ah horyaaley mudanayaasha fursad u helay in uu hogaamintooda ku an sixiyaan shirgudoonka cusub ee golaha wakiiladda waxaana baahi weyn loo qabey xeerkan qabyo qoraalka oo muddo ay mudanayaasha wakiiladu tahlikari waayeen inay ansixiyaan waxaana xeerkan maanta la ansixiyey iyana ku dambayn doona golaha guurtida. Xeerka Goluhu ansixiyey oo ahaa qabyo-qoraal, waxa uu u gudbi doonaa Golaha Guurtida, si ay iyaguna go’aan uga gaadhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here