Maxamed Saalax Oo Ku Guuleystay Ciyaaryahanka Afrika Ugu Wanaagsan

0
2938

Weeraryahanka Xulka Qaranka Masar iyo Kooxda Liverpool ee Carriga Ingiriiska Maxamed Saalax ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Africa.
Abaalmarintan ayaa waxa ku tartamayay dhawr ciyaaryahan oo Afrikaan ah waxaan aakhirkii ku guulaystay Ciyaaryahan Maxamed Saalax, kaasi oo horyaalka Ingriiska dhaliyay goolal dhan 23 gool.

Ciyaaryahannada tartanka kula jiray Saalax ayaa waxa ku jiray Sadio Mane kaasi oo ay ka wada ciyaaraan kooxda Liverpool iyo ciyaaryahanno kale oo caan ah.

Kaalinta saddexaad waxa galay Ciyaaryahanka Pierre-Emerick oo u dheela kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund.

Maxamed Saalax ayaa xulka qarankiisa si weyn uga caawiyay in ay usoo baxaan koobka adduunka ee sannadkan lagu qaban doono dalka Ruushka.

Saalax ayaa waxa uu kooxda Liverpool kaga soo biiray Kooxda reer Talyaani ee Roma.
Dhinaca Gabdhaha Qaaradda Africa waxa la siiyay Ciyaaryahanaddda ugu fiican Asisat Oshoala oo u dhalatay dalka Nigeria, Gabadhan ayaa u ciyaarta koox ka dhisan isla Nigeria waxaanay dumarka Afrika kula talisay in dariiqeeda raacaan.

Waxa tartankan fursad loo siiyad dadweynuhu inay codkooda ka dhiibtaan cidda ku guulaysanaysa abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here