MADAXWEYNAHA MASAR OO TAAGEERAY GO’AANKII TRUMP EE QUDUS.

0
1067

Qoryaalenews(Qaahira):- Wargeeska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey codad sir ah oo muujinaya in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi uu aqbalay go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Codadka sirta ah ee ay heshay New York Times ayaa waxaa ka dhex hadlaya Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka waddanka Masar oo lagu magacaabo,Capt.Ashraf al-Kholi kaasoo ka dalbanaya dhowr weriye oo Barnaamijyo saameyn leh oo doodo ah ka soo jeediya dalkaas“in ay shacabka ka dhaadhiciyaan in la taageero go’aankii Madaxweyne Trump halkii laga cambaareyn lahaa”.

Capt.Al-Kholi ayaa sheegaya in ka horjeesashada Israel aanay ku jirin danta Qaranka Masar,sidaasi darteedna ay tahay in Shacabka Masar lagu qanciyo taageerada go’aanka Maraykanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimaadda Israel. Codadka la helay ayaa muujinaya in Madaxweynaha Abdel Fattah el-Sisi uu taageersanyahay go’aanka Maraykanka,islamarkaana uu la qaatay in Caasimadda Israel ay tahay magaalada Qudus.

Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Masar ee magaciisa warbixinta lagu xusay ayaa la maqlayaa isagoo leh”Masar go’aankaan waxay u cambaareysay sida walaalaheenna carbeed ee kale,laakiin haddii xaqiiqda la eego Falastiiniyiintu ma leh awood ay isaga caabiyan Israel,annaguna dooni mayno in aan dagaal galno”.

Sarkaal ayaa intaas ku daraya”tallaabada u dambaysa waa kacdoon,kacdoona u daneyn mayo Amniga Qaranka Masar,waayo? wuxuu soo celinayaa awooddii Islaamiyiinta iyo dhaqdhaqaaqa Hammas. Hammas ayaa mar kale dib u dhalaneysa”.

Warbixinta ayaa intaas raacisay in dowladda Masar ay ogolaatay in Palestini caasimad looga magaalada Ramallah. Madaxweynaha Masar ayaa horay u sheegay in u aad uga xunyahay go’aanka Maraykanka,waxaana dowladda Masar soo diyaarisay qaraar ka dhan ah go’aankaas oo la horgeeyey Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here