SOOL: Booliiska Laascaanood Oo Xidh-xidhay Suxufiyiin Baahiyey Tartan Kubadeed Siyaasadaysan

0
620

Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Magaalada Laascaanood ku xidhay Saddex Weriye, kuwaasi oo halkaa uga warrama Telefiishannada Soomaalida qaarkood.

Weriyeyaasha la xidhay oo kala ah Mawliid Ismaaciil oo ka tirsan Telefiishanka Somnews TV, Maxamed Bidhaanshe u warrama SBS TV iyo Xamse Darwiish oo mid ah Telefiishanka Kalsan, ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen Fal dambiyeed amniga lid ku ah.

Suxufiyiintan oo laba ka mid ah la siidaayey Shalay, ayaa ayaa lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen oo ay baahiyeen tartan kubadda Cagta ah oo siyaasadaysan, kaasi oo loogu Magac-daray Farmaajo oo ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidanka Booliska ayaa hada gacanta ku hayaan Bidhaanshe oo  Laascaanood uga warrama SBS Tv, waxaanu Taliyaha ciidanka Booliska sheegay inay ku hayaan caddayn ah inuu fal amni daro ah ku talaabsaday maxkamadna la hor-geynayo.

Weriyeyaashan ayaa lala xidhay Koox dhalinyaro ciyaartoy ah, waxayna Arrintani timid ka dib, tartan ciyaareed muddo soo socdey dhamaadkiisii, kaasi oo la ogaaday markii Weriyaha xidhani tartankaasi dhammaadkii baahiyey isagoo Warkiisa ku daray in tartanka Kubadda Cagta ee lagu qabtay Laascaanood loogu Magac-daray ‘Farmaajo’, taasi oo ah ta Ciidanka Boolisku u xidhaan Weriyeyaasha badhkood la siidaayey iyo dhallinyarada kale ee tartanka ka qayb-qaatay, maaddaama oo tartankaasi ka dhacay gudaha Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here