Suuriya: Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqaymo Diyaaradeed Ku Dileen 150 Dagaalyahannada DAACISH Ah

0
810

Isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ayaa waxa ay sheegeen in duqeynta dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen Daacish lagu dilay 150 ka tirsan dagaalyahanadaasi.
Weerarka ayaa la sheegay in uu Sabtidii ka dhacay meel u dhaw al-Shafah oo ku taalla koonfurta bari ee gobolka Deir al-Zour ee dalka Suuriya
Bayaanka isbahaysiga ayaa waxa sidoo kale lagu xusay in bartilmaameedka ay hagayeen macluumaad sirdoon taasi oo xaqiijisay in dad rayid ah ayna waxba ku noqon duqaynta lala beegsaday dagaalyahanada Kooxda Daacish.
Ma jirto xaqiijin laga hayo dhanka Daacish ama taageerayaashooda oo ku aaddan weerarkan.
Isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish waxay sheegeen in kooxda ay gacantooda ka baxday boqolkiiba 98 dhulkii ay haysteen dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa imika haysta qayb yar oo ka mid ah dhulka Suuriya.
Dagaalyahanada ISIS ayaa waxa weeraro ku haya Mareykanka, dagaalyahanada kurdiyiinta ee gacan saarka la leh Mareykanka iyo dowladda Suuriya oo taageero ka helaysa Ruushka iyo Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here