Hay’adda Duulista Somaliland Caqabada Horyaal Iyo Sida Ay Uga Bixi Karto …W/Q Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
3274

Hay’ada Duuslista iyo maamulka maadarada somaliland, ayaa ah hay’ad jirtay muddo yar oo kooban ah intii ay jirtey xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo lagu dhisay wareegto madaxweyne oo lagu baa’biiyey Wasaaradii Duulista Hawada, oo maamuli jirtey madaarada iyo arrimaha duulimaadyada.

Sidoo kale golaha wakiilada ayaa Iyana anxiyey sharcigii lagu dhiqi lahaa hay’adaha duulista iyo maadarada somaliland, balse ah sharci aan ku haboonayn hay’ada Duulista, iyada sharcigu awoodii hay’ada intooda badan  siiyey shirkadaha diyaaradaha oo ah kuwii sharciga lagu dhiqi lahaa.

 

Dhismaha Hay’ada Duuslis Iyo Maamulka Madaarada somaliland

 

Hay’ad kasta oo la unko ama la abuurayo waxaa ka hor yimaada caqabado  maamul ama sharci, kuwaasoo ku keena

in hay’adii socon waydo hadii aan laga fiirsan dad aqoonteedii lehna aan loo xulin, iyaad oo laga eegayo dhinacyo badan, lana tix-raacayo qaabka ay u shaqeeyaan wadamada aduunka ama kuwa aan jaarka nahay hay’adohooda Duulista.

Tuaale ahaan sida aan kor ku xusay qabada kowbaad ee hay’ada Duulista yoryaal waa in dib loogu noqdo sharcigii ay baarlamaanku ansixiyeen, kaasoo hay’ada ku noqonaya caqabad iyo in awoodihii sharci ee ay hay’adu lahayd ay dad kale gacanta u gasho sida shirkadaha diyaaradaha.

Waxaa kale hay’adaha horyaal sidii ay ula wareegi lahayd dhamaan adeegyada maamul ee ka jira madaarada Somaliland,gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, sida shirkadaha la siiyey qandaraasyada hoose iyo guud ahaanba adeegyada madaarada dalka.

Waa in la dhiso qaab dhismeedkii hay’ada duulista {Civil Aviation Structure},iyada oo laga guurayo qaabkii hore ee Wasaaradu dhisnayd.

Waxaa Iyana, caqabad ah qaabkii ay hay’adu u heli lahayd dhaqaale, {Finace}, marka ay hay’adu madax banaan tahay weliba ay tahay hay’ada Duulista oo ah hay’ad balaadhan, waxaa muhiim in ay yeelato dhaqaale u gaar ah, kaasoo aan marayn wasaarada Maaliyada iyo Baanka toona, balse ay hesho hay’adu dhaqaale iyada gacanteeda soo gala oo ay ku maamusho hawlaha muhiim ah ka ee ka socda hay’ada iyo madaarada sida musharka shaqaalaha.

 

Sidee Hay’ada Duulis Iyo Maamulka Madaaradu Ku heli kartaa Dhakli Ku filan?

 

Hay’ada Duulista waxaa ku waajib ah in ay hesho dhaqaale ay u madax banaantahay, kaasoo ay ku maamulan karto hawleheeda shaqo, waayo? Sanad ka dib waxaa laga yaaba in hay’ada Duulistu, miisaaniyad ku yeelan weydo xukuumadda dhexei, waxaa la rabaa oo ka mid ah sharciga hay’adnimo in ay is maamusho oo ay dakhligeeda la soo baxd.

Meelaha ay hay’adu dakhliga ka helayso waxaa ka mid ah lacagta hawada laga qaado ee loo yaqaano [Air Navigation Fee}, taasoo imikaba la qaado oo inteeda badani ay ku dhacdo Wasaarada Maaliyada.

Waxaa Iyana hay’ada Duulista iyo maamulka Madaarada somaliland, ay takhli ka helayaan ogolaanshiiya diyaaradaha soo fadhiisanaya madaarada dalka, {Permission fee},kaasoo waqtiganba ay hay’adu qaado oo uu gaar u yahay.

Meelaha kale ee muhiim ah ee ay hay’ada Duulistu ka helayso dakhli ay u madax banaan tahay waxaa ka mid ah, adeegyada ay hay’adu qabato uu sharci ahaan ay xaq u leedahay oo ah lacagtii horey loogu ansixiyey ee loogu talo galay ammaanka madaarada {Security Services}, iyo in ay hay’adu wada bixiso dhamaan adeegyada shirkadu qabtaan ee ay hay’adu xaqa u leedahay, kaasoo dakhli badani ka soo geliyo hay’ada, ayna isku filaanayso hadii ay la wareegto adeegyada maamul ee ka jira madaarada dalka.

Waxaa kale hay’adu ay dakhli gaar ah ka helaysaa lacagta sanadkiiba diyaarada laga qaado ee loo yaqaano {Permission Year}, taasoo ah lacag sharci ah oo ay diyaaruhu bixiyaan, taasoo hada ku dhacda Wasaarada Maaliyada.

Dakhligaa badan ee aan kor ku soo xusay iyo gaar kaleba hadii hay’ada Duulistu ay gacanteeda ku soo dhacdo waxaa ay ka baxaysaa miiyaaniyadii ay ka sugi lahayd xukumadda dhexe, waxayna hay’adu gaadhaysaa hadii ay caqabadaa ka baxdo dhaqaale ahaana isku filaato meel fog oo horuumar ah.

Haddii aan tulaale u soo qaado hay’ada Duulista ee Dalka Kenya, Kenyan Civil Aviation Authority, {KCAA}, waxaa la aas-aasay sanadkii 2002-dii, waxay mid ahay hay’adaha ugu fiican Afrika marka la eego, dowlada dhexe ee Kenya, kuma laha kab ee iyada ayaa isku filan, waxayna xukuumadda dhexe ka heshaa dahkli badan oo kaleakli soo xeraysa, balse waxaa madaarada Kenya, lagu maamulaa adeega ay hay’adu qaado oo ay horuumar ku gaadheen.

Dhinaca kale hay’ada Duulista ee dalka aan jaarka nahay ee Itoobiya, ayaa ah mid madax banaan muddo dheerna jirtey, iyada oo ah hay’ad u madax banaan dhamaan shuruucdeeda iyo dakhligeeda, waxaana loogu yeedhaa hay’ada duulista ee dalka Itoobiya, Ethipian Civil Aviation Authority {ECAA}, runtiina waa hanaanka aynu doonayno in ay gaadho hay’ada Duulista ee somaliland muddo kooban hadii alla idmo.

 

Gunaanad

 

Si hay’ada Duulista iyo maamulka madaarada Somaliland, ay uga gudubto caqabada jira, una buuxiyo heerka caalamiga ah ee hay’adnimo ee qaramada midoobay ee loo yaqaano {ICAO STANDARD},waa in ay hay’adu u dhisantaa maamul ahaan, sharci ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba, waana qaabka keli ah ee ay isu maamuli karto hay’ada Duulista somaliland.

 

 W/Q: Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here