Halkan Ka Daawo”Dawlada hoose Hargeysa ayaa amaro ku soo rogtay basaska iskaga gudba xaafadaha magaalada Hargeysa ee suuqa hoose ka rakaabsada.

0
788

Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan(Juxa) ayaa sidoo kale fariin la xidhiidha nadaafada u diray shacabka ku dhaqan caasimada.

Xoghaye Juxa oo ugu horayn soo bandhigaya amarka lagu soo rogay basaska Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Basasku magaalada waxay ku noqdeen caqabada, baarkinadii magaalada dhexdeeda intiiba bas ayaa taagan, waxaana laga yabaa in hal mar ama laba jeer uu dhaqaaqo inta kalana uu magaalada gudaheeda yaalo, basaskaas shanta baxaya iyo shanta waydaaranaya mooyaane inta kale koonayaasha magaalada ayey u

baxayaan, guddiyada isdaamada basaska yaryar iyo kuwa waa weynba waxaanu la socodsiinaynaa inay basaska ka saaraan suuqyada hargeysa ee baarkinka looga dhigay sida uu dhigayo nidaamku.”ayuu yidhi xoghaye juxa oo u waramay hctv.

Sidoo kale xoghaye Juxa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Xili roobaadka dadku waxay caadaysteen inay biyaha roobka ku daraan xashiishka, waxaanan leeyahay dadweynaha xashiishku waxa uu imanayaa magaalada gudaheeda, waana fool xumo inuu gurigaaga ka soo qaado oo uu guri kale keeno, dadweynahana waxaan leeyahay  dawlad ahaan lama cabudhin karo ee aynu wax wada qabsano, qasaacada xashiishka iyo daasada wadada lagu tuurayo hadaynu ilaalino waxaynu helaynaa magaalo qurux badan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here