Gunaanadkii, waxaan si weyn usoo dhaweynayaa Go’aanka Madaxweynaha Soomaaliland ee ku aadan in lala xisaabtamo hay’adahaas si ku qotonta cilmi

0
760

Hay’addaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee dalkan joogaa waa kuwo u dhaqma sidii inay yihiin kuwo maxmiyad dalkan iyo dadkani iyaga u yihiin, waxaana jira malaayiin iyo malaayiin doolarka maraykan ah oo sanad kasta lagu soo qaado magaca umadda soomaaliyeed, balse, waxoogaa faro guudkood ah ayaa lasoo gaadhsiiyaa dadkii magacooda lagu soo dawarsaday, inta kalena masoo dhaafto xafiisyo goboleedyadooda ku yaala Nairobi, iyo xarumahooda Geneva iyo New York ku yaala oo aan si aan xaq ahayn loogu lunsado, mana jirto cid metesha dadka Soomaaliyeed oo la xisaabtanta, dhinaca kale, ma jirto inta badan fursad la siiyo dadka soomaaliyeed iyo madaxdooda oo ku aadan inay doortaan baahiyaha

ay tahay in wax looga qabto, taas cakiskeedana iyaga u yeedhiya baahiyaha ay tahay in wax laga qabto, taasoo u dhiganta dawo loo qorayo bukaan aanu hayn xanuunkii ay dawayn lahayd.

Gunaanadkii, waxaan si weyn usoo dhaweynayaa Go’aanka Madaxweynaha Soomaaliland ee ku aadan in lala xisaabtamo hay’adahaas si ku qotonta cilmi iyo garasho durugsan, isla markaana laga baaraan dego lafa-gurida gundheerida arintan, waxa kasoo bixi kara go’aamadda la qaato tabnaan iyo tognaanba, aadna looga fogaado go’aan kasta oo caadifad iyo lab-lakac ku dhasha, iyadoo isha lagu haynayo in go’aamadda la qaadanayaa ay noqdaan kuwo dawo u noqon kara xaaladda jirta haatan, balse, aanay noqon kuwo uga sii dara, Hay’adahanina waa kuwo inoo baahan in ka badan inta aynu u baahanahay, docda kale, saameyn taban ayaa jirta oo kaalmadooda koobani ku leedahay isku xisaabtankeenii umadnimo (social & local internal dependence) oo waxa ay inaga yeeleen umadd wax kastoo ay qabasan kari lahayd sugaysa in hay’adi u qabato, oo waxaynu noqonay kuwo noloshoodii oo dhamai ay iyaga (External aid dependency) ku tiirsan tahay, markaas, arintaas lafteeda ayaa xukuumadda laga rabaa inay ka fekerto sidii loo yarayn lahaa talaabo talaabo.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii  Husseinlucky Mohamed Mohamoud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here