Marka horeba jihawareer kastaa xagga Madaxweynaha ayuu salka ku ha hayaa waayo isagoo tix gelinaya Saami qaybsiga gobola

0
822

Markasta oo nin masuula shaqada laga fadhiisiyo waxaa afkiisa ka soo baxda (sooner or later) inaanuu ahayn qof professional ah oo aqoon iyo khibrad iyo karti lagu lagu siiyey shaqaadaa ee uu reer hebel ka watay odayaal, qaraabo kiil iyo waxa ina ragaadiyey. Markiiba wuu hadlayaa isagoo musdabeedkiisii baraarujinaya iyo wax ma garatadii reerka oo odhanaya waxaan ogahay oo dhan baan sheegayaa, dabadeed xukuumaddii waxaa ku shaqaynaysay si dawladnimo iyo diblomacy ku jirto arinkaa uma qabanayso e waxay badi samaysaa ninkii madaxda ahaa ee reer hebel la hadlayey mid ay isku reer yihiin bay dhabarka taabataa oo u jawaab tidhaahdo.

Marka horeba jihawareer kastaa xagga
Madaxweynaha ayuu salka ku ha hayaa waayo isagoo tix gelinaya Saami qaybsiga gobolada ama qabaailka inuu xukuumadiisa jago kasta qof aqoon iyo khibrad leh u dhiibto oo og wuxuu shaqada ku helay inaanay reerka ahayn e uu ku helay khibrad iyo aqoon waayo marka shaqada laga bedelo ama fadhiisiyo aqoontii iyo khibraddii mat walba wax bay u goynaysaa oo qiimihiisii wuu raacayaa laakiin kan suudhka xidhay ee reernimada wax ku helay marka shaqada laga fadhiisiyo wuu is ogyey inuu madhanyey markaa dacartii baa ku kacaysa oo qaloocii jagada aanuu u qalmin lagu fadhiisayey ayuu buu leeyahay waan fashilinayaa ummaddaan wixii aan ogoo dhan u sheegayaa. Markaa Madaxweynayaasha Somaliland ayuu mushkiladdan baahsan ee Xukuumadda ka dhex buuxda ka masuula. Proffesional nimada waxaa ka mida inaanaad sir xukuumadda ama shirkada midea ha isla taagin iyo gidaarada.

Madaxweynuhuu waa inaanuu ka qaadan talooyinka cid aan munaasab ahayn haddii kale Mafsxweynuhu wuu fashilmayaa, fashalkuna kharash badan buu Xukuumada gelinayaa oo aan loo baahnayn.

Waxaan ku soo arkay Somaliland xukuumadaheedii oon garanayn siday shaqooyin iska horyaal u (create) gareeyaan oo dadka wax baraan lacagtana ka guraan si shaqaale u abuurmo. Tusaale waa in la baabiiyaa Golaha guurtida waayo sidii Distoorka ay ugu jireena way ka baxeen oo doorasho waa lagala quustay, waana dad aan fikiri karin oo badi g a boobay wadankana u soo shaqayn badankoodu oo madakaxdoodu (cabbage) oo yaqiinsaday intay noolyihiin inaan la bedeli karin markuu dhintana dhaxal suge shaqada leeyahay waa (they all look ridiculous sitting infront of the public). Waa la sameeyaa  oo guurtida lagu bedelaa hay adda qof kasta oo meel cashuur bixisa shaqo ka bilaabaya oo uu bixiyo labaatan doolar mithaal. Hadday wakaaladaasi 500 qof train gareyso waxay bishii soo saaraysaa 300,000 .waana inaan nin reer hebenimo aan wakaaladda kooto loogu siin .

Masuul qayliya markay shaqadu ka dhammaato wuxuu shaqada ku yimi sifo qaldan , isxambaar, qaraabo kiil iyo wixii lamida.

Markaa madaxweynaha ayey arintani u taal haddaanay isaga qudhiisu jihawareerinayn wadanka.

M Bashe( Meerkat)

qoranebashe@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here