Dowlada Qadar ma buuxin kartaa Howlihii ay Imaaraadka Carabtu ka hayeen Soomaaliya ?

0
1082

Dowladda Soomaliaya waxay mar hore shaacisay iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka Wadamada Khaliijka oo maalinba maalinta ka dambeysa circa isku sii shareeraya, waxa ayna dowladda Imaaraadka Carabtu aamintey iney dowladda Soomaaliya iyada fogeysey oo weliba si toos ah u taaageertey dowladda Qadar.

Imaaraadka Carabta howlo badan ayey ka hayeen Soomaaliga guud ahaan gaar ahaan Magaalada Muqdisho, inta muuqata waxay tababari jireen Ciidan Soomaaliyeed, waxay bixin jireen Mushaaraadkooda, waxay Magaalada ku lahaayeen Cusbataal oo waxay si bilaash ah ku daaweyn jireen maalintii ugu yaraan 100 ruux oo Soomaali ah oo qaba xanuuno kala duwan. Si kastaba waxay dowlada Imaaraadka sheegeen iney dhamaanba howlahii ay Soomaaliya ka hayeen joojiyeen tan iyo sida ay hadalka u dhigeen inta xiriirka labada wadan laga hagaajinayo, Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo waxa uu shalay waraaqihii Aqoonsiga ee Safiirnimo ka gudoomey Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya u fadhin doona, waana arin muujineysa in uu sii xoogeesanayo Xiriirka Soomaaliya iyo Qadar.

Sida muuqada Imaaraadku waxa ay ka duuduubteen Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay joojiyeen howlahii ay Muqdisha ka hayeen su’aashu waxay tahay

1-Maxaa Dowlada Qadar la gudboon?

2- Ma haboon tahay iney buuxiso ugu yaraan howlihii ay Imaraaadku ka hayeen Soomaaliay?

3- Mase buuxin kartaa?

Aragtideyda.

1- Dowladda Qadar waxaa la gudboon iney Soomaaliya u hiiliso madaama ay Soomaaliya tahay dal aad u tabar daran oo u babac dhigay siyaasadaha is diidan ee Khaliijka oo ay qaadatay mowqif aaney qaadan Karin wadamo naga awood iyo siyaasad badan.

2- Waa ay haboon tahay iney buuxiso booskii Imaaraadka baneeyeen oo ahaa tababaridda Ciidamada iyo kaalmeynta shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

3- Dowladda Qadar waa ay buuxin kartaa booskaas weliba waxay qaban jartaa inta Imaaradaku qabteen iyo ka badan.

 

W/Q Cabdi Naasir Xirsi Iidle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here