Dalka Ruuska Ayaa sheegay in Dalalka Ingiriska iyo Maraykan qorshaynayaan inay is hor tagan Koobka Kubada Cagta Adunka Ruushku Martigalinayan

0
969

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka oo lagu magacaabo Maria Zakharova ayaa ku eedeusay Ingiriiska iyo Mareykanka inay isku dayayaan in dalkeeda ay ka hor istaagaan martigelinta Koobka Adduunka ee sanadkan.

Wareysi dheer oo ay siisay telefishin laga leeyahay Ruushka, ayay ku sheegtay in ujeeddadooda ugu weyn ay tahay in Koobka Adduunka ay ka wareejiyaan Ruushka.

UK ayaa raadineysay inay ciqaabto Ruushka iyadoo ku eedeysay weerarkii sunta ee ka dhacay Britain.

Qoyska Boqortooyada ayaa ka soo horjeesan doona Koobka Adduunka, tan oo qayb ka ah falcelinta Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Boris Johnson ayaa Koobka Adduunka ee Ruushka la xiriiriyay Cayaarihii Olombikada ee Naasiyiintii Jarmalka sanadkii 1936. Xildhibaan mucaarad ah ayaa isagana ku baaqay in Koobka dib loo dhigo ama meel kale loo wareejiyo.

Si kastaba, haatan ma jirto xog laga hayo in kooxda England aysan ka qaybgeli doonin cayaaraha, oo furmaya bisha June.

Tiro diblomaasiyiin ah ayay labada dhinacba iska cayriyeen, sababo la xiriira sumeyntii magaalada Salisbury loogu geystay basaas hore oo Ruushka u dhashay Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia 4-tii March.

Tallaabadii ugu dambeysay, ilaa 170 diblomaasiyiin Ruushka u dhashay iyo xubnaha qoyskooda ayaa Jimcihii isaga baxay Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here