Madaxweynaha Mamul Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kala diray Golihii deegaanka Magalada Qandala ee Gobolka Bari Maamulka Puntland.

0
696

Wareegto ka soo abxday Xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in sababta loo kala diaray Golaha deegaanka Magalada Qandala ay tahay gudasho la’aanta Shaqooyinkii loo igmaday.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here