CONIFA Oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Ay Booskii Somaliland Ee Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan U Geliyeen Degmada Baraawe Ee Somaliya

0
879

Xidhiidhka kubadda cagta dalalka aan ictiraafka haysanin ee CONIFA ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay booskii Somaliland ee Koobka Adduunka waddamada aan aqoonsiga haysanin ugu beddeleen Degmada Baraawe ee Somaliya.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA Paul Watson ayaa sheegay in Barawe oo uu ku tilmaamay ismaamul-goboleed ka tirsan Somaliya ay ku dareen tartanka ka dhacaya magaalada London sababo la xidhiidha dhacdooyin murugo leh oo ka dhacay gudaha Barawa.

Ciyaaryahannada Baraawe oo u dabbaal-degaya guusha ay gaadheen

“Gobolka waxa maamulaysay Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyey, walina waxa ku jira dhibaatooyin argagixisadu u geysato. Arrin murog leh ayey ahayd markii garoonka kubadda cagta la qarxiyey saddex tododbaad ka hor iyadoo ciyaari ka socota. Waxay ku jiraan halgan joogto ah” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA, Mr. Paul Watson oo ka hadlayey sababta ay Barawa oo aan ka mid ahayn dalalka madaxbanaanida ku dhowaaqay ay ugu dareen tartanka, isla markaana ay u gashay booskii Somaliland ee sannadkii hore.

Paul Watson waxa uu xusay in Xidhiidhka kubadda cagta ee Barawa ay ka shaqeeyaan inay caawiyaan da’yarta, isla markaana ay tartan kubadda cagta ah ka qabtaan magaaladaas, waxaanu yidhi: “Xidhiidhka Kubadda cagta (FA) ee Barawa waxa uu ka shaqeeyaa inuu si togan u caawiyo da’yarta oo uu tuso tamartooda, sidoo kalena horyaal ayuu ka qabtaa Barawa gudaheeda. Run ahaantii waxay si dhab ah u dhiirigeliyaan oo soo koobaan waxa CONIFA ay u taagan tahay.”

Qurba-joogta Barawa ee ku nool waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ee uu tartanku ka socdo ayaa si weyn uga shaqeeyey sidii ay gobolkooda ugu dari lahaayeen tartanka Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsanin, iyadoo qurba-joogtii iyo aqoonyahannadii Somaliland ee halkaas joogay ay ka gaabiyeen, iyagoo waliba gacan ka heli lahaa Ingiriiska oo wakhtigii gumaysiga gacanta ku hayn jiray Jamhuuriyadda Somaliland, halka Somaliya oo Barawa ka tirsan tahay ay Talyaaniga gacanta ugu jireen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arrintani muujinaysaa in guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ay ka xidhxidhan tahay fagaareyaasha ciyaaraha ee Caalamiga, taas oo ay u dheere tahay, in gudaha waddanka aan muddo dheer laga qabanin ciyaaro xilliyeysan marka laga reebo ciyaaraha gobollada oo iyaguna markay doonaan dib u dhaca.

Dhowaan ayey xidhiidhka kubadda cagta Somaliland sheegeen inay tartan u qabanayaan 32 kooxood oo 28 ka mid ah ay ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa, halka inta kalena ay ka imanayaan gobollada oo aanay ku jirin magaalada Burco oo laga reebay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada, waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta dhallinyarada, iyadoo uu dhawr jeer ka qayb-galay tartamo xilliyadii Ramadaanta ka socday garoomada qaarkood, waxaase laga sugayaa inuu waddanka ka hirgeliyo tartamo ciyaareed oo xilliyeysan oo dhallinyarada ka caawiya inay xirfaddooda kusoo bandhigaan, xijaabna uga noqdo aafada tahriibka oo marka wax ay ku mashquulaan ay waayaan ay ku dhiiradaan inay u badheedhaan khatarta tahriibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here