AKHRISO: RW Kheyre Oo La Kulmaya Madaxweynaha Jabuuti & Qodobada Ay Ka Wada Hadli Doonaan

0
654

Ra`iisal wasaaraha XFS , Xasan Cali Kheyre ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana maanta lagu wada inuu la kulmo madaxda ugu sareysa dalkaas oo uu ka mid yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Soo dhaweyntii xalay ee RW Kheyre ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra`iisal wasaaraha Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad , Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan , Wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ra`iisal wasaaraha iyo madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxay kawada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka wadashaqeyn ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dowladda Jabuuti kawado gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here