XOG: Xasaasi Ah Farmaajo Iyo Gaas Oo Khadka Telefonka Ku Wada Xidhiidhay,Iyo Madaxweyne Gaas Oo Hadalo Xanaf Leh Ku Karbaashay Faramaajo+Muxuu Ku Yidhi?

0
1088

Farmaajo Iyo Gaas Oo Khadka Telefonka Ku Wada Xidhiidhay,Iyo Madaxweyne Gaas Oo Hadalo Xanaf Leh Ku Karbaashay Faramaajo+Muxuu Ku Yidhi?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay inuu Puntland ku qanciyo joojinta dagaalka Sool isagoo madaxda Puntland ka codsaday inay waan-waan iyo wada hadal ogolaadaan.

Farmaajo oo kaashanaya IGAD iyo dawlado kale ayaa ka quustay inuu Puntland ku qanciyo baajinta dagaal ka dhaca Sool.

Xogo aan ka helay ilow aad uga agdhow labada dhinac ayaa ii sheegay in Puntland ku doodayso “xabada waa joojinaynaaye xalka Laascaanood keen”, taasoo kasuurta geli waydey dhanka Dawlada dhexe.

Telephone badan oo la is dhaafsaday ayaa keenay in masuuliyiin Puntland ahi hadalo kulul oo aan waxba la isu reeban ku dhaheen Madaxweyne Farmaajo.

“Shalay baad na lahayd Ogaadeen maaha Soomaali waa Ethiopian dee maantana na dheh Dhulbahante waa Isaaq”, ayuu yiri masuul Puntland ah oo kasoo jeeda deegaanada SSC xili uu Telephone kula hadlayey Farmaajo.

Dawlada Federalka Ayaa Ka Cabsi Qabtay Hadii Puntland Dagaal Kale Qaado Inay Keenayso Caqab Weyn Oo Aan La Maarayn Karin,Maadama Oo Dawlada Somaliland,Balan Ku Qaaday Hadi Puntland Dagaal Soo Qaado Inay Garoowe Qabsanayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here