Markab Laga Leeyahay Dawlada Isutaga Imaaraadka Oo Ku soo Xirtay Dekedda Kismaayo

0
651

Wararka ka imaanaya Magalaada kismaaya ayaa sheegaya in Markab Xamuul ah oo laga leeyahay Iimaaraadka oo wada shixnad Raashin Kaalmo ah ayaa ku soo xirtay Dekedda magaalladda Kismaayo, sida ay shaacisay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM.

Markabka Samafalka ayaa la sheegay inuu wado Shixnad cunto oo rarkeedu dhan yahay 824 Tan. Waana Markabkii ugu horreysey ee ku soo xirta magaalladda Kismaayo, tan iyo wixii ka dambeeyey Khilaafka Khaliijka ee ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala qeybsameen.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid Al-nahyan Fondation ayaa sheegtay in Kaalmadda cuntada loo qeybin doono dadka aadka u baahan ee ay saamaysay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka

Qaar ka mid ah Saraakiisha Soomaalida iyo daaka ka faa’ideysanaya Deeqdaas waxay Dowladda Imaaraadka iyo Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid uga mahad celiyeen Kaalmadda ay soo gaarsiiyeen oo ay aad ugu baahnaayen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here