Haweenay 92 Sano Jirtay Oo Dishey Wiil Ay Dhashay

0
750

Arizona — Wednesday, July 04, 2018(TaxaneNews)-Dalka Mareykanka waxaa maalin kahor ka dhacday dil argagax iyo layaab ku abuuray dad badan , kadib markii haweeney 92-sano jir ah toogasho ku dishay wiil ay dhashay oo isna 72-sano jir ahaa.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay Anna Mae Blessing oo 92-sano jir ah ay dil bareer ah u geesatay wiilkeeda kadib markii ay ka cabsatay in uu guriga ka saaro uuna geeyo xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelada ah.

Haweeneydan ayaa gudhi kuyaala gobolka Arizona kula nooleed Wiilkeeda ay dishay iyo haweeney saaxiib la aheyd wiilkeeda, waxa ayna ka walaacsaneyd islaantan in guriga uu ka saaro wiilkeeda.

” Nafeeda ayaad damacday in aad qaado ana taada ayaan qaaday ” ayey tiri Anna Mae Blessing xili ciidano katirsan booliiska ay ka wadayeen guriga ay dilka ugu geesatay wiilkeeda.

Dhacdadan ka dhacday dalka Mareykanka ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna arintan muujineysaa sida waayeelo badan oo kunool dalkaasi aysan u jecleyn in la geeyo goobaha lagu xanaaneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here