Maamulka Puntland Oo Markii U Horraysay Ergo Odayaal Ah U Soo Diray Colaada Ceel Afweyn, Balse Ay Diiday Beel Ka Mid Ah Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirsani

0
605

Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii u horaysay kashifay inay qorsheeyeen inay nabad ka dhex dhaliyaan Beelaha Walaalaha ee Ku dagaalamaya Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland,waxaanay sheegeen inay qorshahaasi ay ka diiday beel ka mid ah Beelahaasi oo ay sheegeen inay ugu hal celisay inay arintooda ay galayso Dawlada Somaliland islamarkaana aanay jeclayn inay cid kale gasho arintooda,waxaana sidaasi Warbaahinta ka sheegay Masuul Maamulkaasi ka tirsan oo Warbaahinta la hadlay.

 

 

 

Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Shalay Warbaahinta la hadlay Isagoo ujaaabayay Beel ka mid ah Beelaha Degga Gobolka Sanaag ee Somaliland oo Doraad Maamulka Puntland ugu baaqday inay Hubka ka joojiso Ceel Afweyn ayaa kashifay arin layaableh oo aan hore Somaliland looga maqal,Waxaanna uu yidhi sidan“Labada beelood ee ku dagaalamaya Ceel Afweyn,oo Shalay Puntland Marna u ergoonayay marna Maagayay,Madaxweynaha Puntland-na la hadlayay,Isimada iyo Garaadada Puntland-na la hadlayay,iyaga waxaan leenahay,Horta “Markii La Idiin Soo Gurmaday,Oo Odayaal Puntland Ah, Badhan Iyo Ceerigaabo Ka Yimid, idin soo gaadheen,

 

 

 

Nabadda Idinka Ayaa Diiday, Oo Yidhi Dawladda Somaliland Ayaa anaga Hawshayada Galaysa,Beesha Kale ee Habar Yoonis Way ogolaatay inay Nabadaynta beeshaasi Harti galaan, Waxaan leeyahay markaad leedihiin Hubka naga daaya,isku heli maysaan inay Wiilashiino Tukoraq yimaadaan idina aad sidaasi u calaacashaan,ka Kaxayso Wiilaashaada Tukoraq oo kaxayso”.

 

 

 

Waxa kale oo uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata“Waxa kale oo aan idiin sheegayaa,Nimankiinan Habarjeclo ee Ceel Afweyn ka qaylinayaw,Dadka illaahay waxaad wada degtaan Harti iyo Habaryoonis, labadiiba dab ayaa ku dhejiseen,meeshaad ku noolaanaysaan bal sheegga,Hartina Dab ayaad ku dhejiseen,Habar Yoonisna Dab ayaad ku dhejiseen eh,Waar Habar Awal isma gaadhaan,Waar ood kaa dheeri kuma dhaxantirto,waar cidina waxba idin tari mayso,Waa kuwa Daboqoodhiyada ah ee Warsangali ee Hargeysa joogaa waxba idin tari maayaaan”.ayuu hadalka u dhigay xildhibaankani isaga oo shalay la hadlayay telefishanka Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here