Caarre iyo ciidamadiisa galay puntland waxay dalka galeen danbiga ugu xun waxaanay sameeyeen khiyaamo qaran.

0
830

Waxaan arkaayey wakhtiyadan aan ku jirno dad u doodaya Caarre iyo ciidamadii uu la goostay ee jabhadda ku dhawaaqay inay la. dagaalamayaan oo burburinayaan xukuumadda iyo qaranka Somaliland.

Waxaan arkaayey dad isugu jira madax siyaasadeed iyo madax dhaqameed oo leh xukuumaddu halla hadasho oo halla heshiiso nimamka ciidanka ah ee caasigaroobay.

Markaas horta nimankan askarta ahi dalka iyo dadkaba danbi bay ka galeen waxay jebiyeen xeerkii ciidanka ee qaranka waxaanay u horseedeen ciidankii dhaqan xumo taasoo markii beelaha isku dhaceen waxay raaceen oo lasoo safteen beeshoodii.

Tan oo ah markii ugu horraysay taariikhda ciidanka Somaliland oo ka xor ahaa arrimaha siyaasadda iyo is abaabulka beelaysan.

Markaas anigu waxaan u arkaa ciidankaas goostay uu khaldan yahay hadda iyo markii horeba. Markii horena isagoo ciidan qaran ah beelihii xurguftu dhexmartay uu ukala hiiliyey oo qayb ka noqday dhibkii iyo dagaaladii sokeeye ee Ceel afwayn.

Markii xigayna uu gaadiidkii dadka loogu adeegayey ee ay ka midka ahaayeen umbalanceyadii lagu qaadayey ummulaha iyo carruurta ayuu ka xaystay oo isu dhiibay cadawgii Somaliland oo ula galay hub; rasaas iyo ragii dalka difaaci lahaa.

Ciidankani sidaas kuma joogine wuxuu naxli iyo kala fur fur kula dhex jiraa ciidankii qaranka.

Anigu ma aaminsani in madaxweynuhu wada hadal la furo niman ciidanka ka goostay.

Laakiin waxaa habboon in beesha ciidanku kasoo jeedaa iyadu halla soo hadasho oo haku qanciso inay wadankoodii kusoo noqdaan si babadgelyilo ah.

Waxaanan kutalin lahaa in nimankaas marka hore waa niman ciidan ah waa in sharciga loo eegaa oo lagu qaado waxay danbi leeyihiin mana jiro cid sharciga ka sarraysaa.

Waxaan u arkaa inay khalad tahay in qofka danbiilaha a taagero oo loo doodo iyadoo loo adeegsanayo qaab qabiil.

Arrimihii khilaafkii beelaha waa tii xallililay maaha in xukuumadda lajaah wareeriyo oo marba lagu furo mashruuc aanay qaranka. faa’ido ugu jirin.

Xukuumadda shaqadeeda maaha in qofka danbiilaha ay la hadasho oo maslaxdo. Laakiin waa inay ilaaliso oo xoojiso sharciga iyo nidaamka.

Qofka ciidanka katirsanini maaha shaqadiisa inuu beel gaar ah gaar ahaana beeshuu ka dhashay inuu u doodo. Laakiin shaqadiiu waa difaaca dalka iyo danaha qaranka.

Hadday ka cabanayso beeshu qaabkuu ciidanku u shaqeeyo waxa ku habboon in madaxda iyo salaadiinta beeshu ay kala hadlaan hay adaha dawladda ee ay khusayso.

Mana aha sax in qof khaldamay oo caadifad reer qaaday oo ciidankii iyo qarankii danbi ka galay in beel ahaan lagu difaaco; laakiin waxay ahayd in loo caqli celiyo oo ciidankiisii iyo shaqadiisii dib loogu soo celiyo.

Siyaasiyiinta beesha ee u doodaysana Caarre iyo ciidankiisa waxaa ku habboon inaanay difaacin ee dambiilah ciidanka ah ee Puntland ula galay; waxaana habboon in loo caqli celiyo oo lasoo celiyo.

Sidaas baanu ku jiraa danta qaranku guud ahaanba. iyo danaha beelaha wada dega Somaliland ee kuwada nool nabadda iyo walaalnimada.

Qore Cabdi Cabdilaahi  Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here