Maxaa Sababa Shilalka Gaadiidka? Qormadii 3aad.

0
1315

Khalad Yar Oo Dareewalku Sameeyo Waxaa Keenta Dhimasho.

Darawal ama Shufeer waa qofka awooda uleh inuu koontaroolo ama maamulo gaadiid ama baabuur dul socda oogada dhulka.

Darawal waa qof xirfad iyo aqoon u leh inuu baabuur kexeeyo oo si fiican u yaqaana sharciga wadada isla markaana heeysta shahaado(Driving lisence ) ogolaansho oo dowladuhu bixiyaan.

Darawalnimadu waxay noqon kartaa shaqo, taas oo ah in qofka dirawalka ahi maamulo baabuur isagu iska lahayn; sidoo kale waxa dhacda in qofku darawal ka noqdo baabuur uu isagu leeyahay.

Dunida sabankan aan ku nool
nahay waxaa jira noocyo badan oo dirawalo ah.

Isku soo wada duubo, dirawalnimadu maaha mid sahlan.

Waxaa muhiim ah in qofka darawalka ahi noqdo mid caafimaad qaba oo aragiisu fiican yahay isla markaana xilkas ah oo fahansan masuuliyada saaran.

Khalad yar oo dirawalku sameeyo waxay keeni kartaa ineey halis-geliso noloshiisa iyo dhamaan inta la saaran gaadiidkaasi. Sidaasi darteed, Dawladdaha aduunka oo dhan waxay leeyihiin shuruuc iyo qawaaniin u taala darawalka iyo gaadiidka dhamaantoodba, midaas oo keentay in qofku soo maro Dugsiga Barashada Darawalnimada iyo imtixaano dhowr ah.

Jiheeynta iyo kaxaynta lawado baasgeeladaha iyo xayawaanada lama odhan karo darawalnimo.

maalinkasta iyo saacad kasta waxa dhaca shil baabuur oo uu geysto baabuur socda waddo ka mid ah, wadooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.

hadaba,arrintaan oo dhib weyn ku haysa shacabka iyo xayawaanka,oo shilalkaasi keenaan dhimasho iyo dhaawac badan oo dhakhtarka weyn ee Magaaloyinka hargeysa’Burco’Boorama’Iyo Dhammaanba Wadanka buux dhaafiyey ayaa loo baahanyahay in wax laga qabto

Dhammaan shilalka dhaca waxa sababa masuuliyad darro dadka wadayaasha baabuurta oo aan ixtiraamin qadarinta calaamadaha wadooyinka iyo shuruucda dales u degsan ee loogu talo galay in la raaco.

Lasoco Q.4aad.

Mohamed Haji Essa Maygaag.
Ex:Bixinta liisamada & Taarikaynta
Gaadiidka J.S.Land.
Frunkfurt (Germany).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here