Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha’.

0
2680

Xubno kamida Guddida Dhaqaalaha Golaha wakiilada Soomaaliland ayaa dhawaan sheegay in Wasiirna inta uu habeen iska soo tooso aanu jideyn karin tacriifad dastuurka iyo xeerka Cashuuraha Barriga aan waafaqsaneyn, Waxa kale oo ay xuseen in wax ka bedelka tacriifaduhu kaliya ay dhaqan geli karaan marka goluhu ansixiyo sida uu dhigayo dastuurka dalku.Garyaqaano dhowr ah oo arrintan ka hadley ayaa iyaguna qaba tacriifadda taarikada ee Wasiirka Maaliyaddu sheegay in la kordhiyey ay tahay mid xaaraanah oo baalmarsan dastuurka.

Haddaba marka aynnu eegno xaalada dhaqaale ee qaranku ku jiro wakhti xaadirkan iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee bulshadeennu ku sugantahay in cashuuraha la kordhiyo laban laab iyo ka badan iyo sidoo kale in cashuur dhaafkii loosameyn jirey Warshadaha waxsoosaarka ee maxaliga ah laga joojiyo lugana soo rago in ay bixiyaan dhowr cashuurood sida cashuurta iibka, dakhliga etc…waa mid aan ku dhisnayn aragti dhaqaale. Xukuumaddu inta ay marba cashuuro iyo tacriifaddo hore u jirey laba jibaarayso waxaa ka haboonaan lahayd iyada oo xooga saarta sidii cashuuraha dihin, kuwa baaqda iyo kuwa maamul xumo loo lunsado si hufan u soo ururisa.

Sidoo kalena Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay la timaado istaraatijiyad siyaasadeedka canshuuraha sida in ay abaal mariso shaqaalaha cashuurta si wanaagsan u soo ururiya iyo in ay dadweynaha u soo bandhigto macluumaadka ku saabsan shirkadda canshuurta si wanaagsan u bixiya iyo kuwa aan bixin. Taasina waxa ay horseedaysaa marka shirkadihii aan cashuurta bixin jirin ay helaan macluumaadka shirkadaha dhiggooda ah ee cashuurta bixiya in iyagu si iskooda ay cuushrta u soo bixiyaan.

Marka ayynu Ka tagno xagga sharciga qodobka kale ee uu wasiirku u daliishadey kordhinta cashuurta taarikadda gaadiidka ee odhanya “daraasad iyo xog uruurin ay sameeyeen wasaaradda Maliyada iyo gaadiidka waxa ay ku ogaadeen in dalalka deriska aynnu ka cashuur jabanahay sidaa daraadeed anana waannu kordhiney” waa mid jaban waayo dalalkan isku hayn iyo isku hanti ma nihin, waa dalal inaga dakhli badan, gumarada dadkooduna inaga badan, lacacgta miisaaniyadda ay uga qoondeeyaan kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka inaga badan. Tayada iyo adeegyadda wadooyinkooduna inaga wanaagsan.

“Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha’e;

Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane,

Sed kaleeto daayoo ma jaro, shilinku saabbuune”. GAARRIYE (AHN) – SAXANSAXO- (17/10/1987)

Ahmed Diini

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here