Agaasime Cismaan Xuseen waxa uu intaas ku daray in sidoo kale wasaaradda ay ka go’an tahay inay ka soo baxdo yoolkeeda

0
3416

 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa maanta  u  furay Agaasime Waaxeedyada  wasaaradda tabobar la xidhiidha maamulka iyo Hoggaaminta.

Tabobarkan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, wuxuu  socon doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana duruusta bixinaya Cabdixakiim Sulub oo ah khabiir ka shaqeeya waddanka Imaaraadka carabta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Dr. Cismaan  Xuseen Warsame, ayaa sheegay inay tabobarkan ugu talogaleen in kor loogu qaado xirfada maamul ee siddeeda Agaasime waaxeed ee wasaaradda, waxaannu yidhi; “Waxaan tabobarkan ugu samaynay Agaasime waaxeedyada wasaaradda si ay u korodhsadaan maamulka iyo hoggaaminta, waxaana laga doonayaa

inay  ku  daboqaan shaqo maalmoodkooda, maadaama ay yihiin mishiinkii waday shaqada wasaaradda. Waxa kaloo la doonayaa inay fuliyaan qorshaha guud ee qaranka oo Wasaaradda Warfaafintu kaalinteeda ay ka qaadanayso, sidaas darteed ayaa loo baahday in la tabobaro madaxdii qorshahaas daadejinaysay.”

Agaasime Cismaan Xuseen waxa uu intaas ku daray in sidoo kale wasaaradda ay ka go’an tahay inay ka soo baxdo yoolkeeda iyo kor u qaadista wacyiga guud ee bulshada Somaliland, waxaanu xusay inay dedaal ugu jiraan sidii ay wasaaraddu xidhiidh ula  yeelan lahaayeen wasaaradaha kale ee dowladda si ay uga wada shaqeeyaan siyaasadda guud ee dowladda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa madaxda Waaxaha Wasaaradda ku booriyey inay ka faa’iidaystaan tabobarkan oo ah mid bilow u ah qorshaha wasaaraddu kor ugu qaadayso xirfadda shaqaalaha wasaaradda.

“Waxaannu siinaynaa tabobarkii u horreeyey Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta,mana noqon doono tabobarkii u dambeeyey oo tabobaradu way socon doonaan, waxaana kor loo qaadi doonaa aqoonta ay Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalahuba u leeyihiin maamulka iyo waajibaadka wasaaradoodaba,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku wuxuu xaqiijiyey  inay ku dedaalayaan sidii shaqaalaha iyo Agaasime Waaxeedyaduba u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo lagu dhisayo waayo-aragnimadooda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here