Xildhibaan Mubaarik Yusuf Elmi “Bidhi” oo Safar ku jooga dalka Ingiriiska ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey maanta xubno ka midda jaaliyadda Somaliland Ingiriiska

0
1113
 Xildhibaan Mubaarik Yusuf Elmi “Bidhi” oo Safar ku jooga dalka Ingiriiska ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey maanta xubno ka midda jaaliyadda Somaliland Ingiriiska gaar ahaana kuwa Magaalada Birmingham degan, taasi oo ka dhacday isla magaalada Birmingham.. Xafladani loo sameeyey xildhibaan Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada Degaanka Magaalada Burco oo dhawaanahanba ku sugnaa cariga Ingiriiska, ayaa waxa ka qayb-galay Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Aqoonyahanno, kuwaasoo hadallo ay xafladaa ka jeediyeen kaga waramay taariikhda iyo tilmaamaha lama ilaawaanka ah ee Masuulkani ku leeyahay dhismaha iyo horumarka Somaliland.
Xubnaha jaaliyadda Birmingham oo ugu horeeyey Afhayeenka Md Maxamed Xuseen Geelle Iyo Xubno kale . Ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida aanu u aqoonsanahay ayey yidhaahdeen. shaqada xildhibaanku ka qabtay magaalada Burco iyo sida xili waliba jaaliyada Somaliland iyo shacabkeeduba ugu heelan yihiin muujinta wadajirka iyo Horumarka Bulshada Somaliland. Isla-markaana xafladda ayey ku tilmaameen siiba soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Birmingham.
“Aad baan ugu mahad-celinayaa xubnaha faraha badan ee ka midda jaaliyadda Somaliland Birmingham oo si weyn ii soo dhoweeyey , sidoo kale runtii qado sharaftan aad soo sameyseen waxaanu u arkaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay ii hayaan Bulshadayda reer Somaliland oo dhan ”Ayuu yidhi Xildhibaan Bidhi
Xildhibaan Mubaarik Bidhi ayaa qadada ka-dib, halkaasi xog-wareysi kula yeeshay. xubnihii jaaliyada ee halkaasi ku sugnaa: waxuuna xusay in markasta Qurba-jooga Somaliland ay kaalin weyn ku leeyihiin Horumarka qaranka dhinackasta , maadama ay yihiin tirada ugu badan ee lagu tiirsan yahay siiba tageerida shacabka Somaliland, Ayuu yidhi xildhibaanku iyo in ujeedadayduna kulankaani ay tahay si aynu u kala helno xog rasmi ah, una kala qaadano talooyinka wax ku oolka ah.ayuu xildh. Bidhi ku soo afmeeray hadalkiisii . Guntii iyo gabogabadii waxaa xaflada soo xidhay oo khudbad aad u wanaagsan soo jeediyay qaban-qaabiyihii Xafladda sheekh bashiir A.wadaad Ugu danbeentii : – Kulanka Ayaa wuxuu ku soo dhamaaday Farxad Iyo soo dhaweyn Aad u sareysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here