Siyaasi Cali Guray, Beesha Dhexe Todobadan xubnood 5 xubnood ayaa beesha dhexe ah beelaha kale ee dalka ay wada leeyihiin oo dhami laba xubnood bay leeyihiin.

0
854

Beryahan oo dhan waxa la isku haystay tirada xubnaha Komishanka Doorashada. Hadda cid kale iskuma haysato waxa isku haysta xusbiyada oo ayo ah? Beesha Dhexe. Todobadan xubnood 5 xubnood ayaa beesha dhexe ah beelaha kale ee dalka ay wada leeyihiin oo dhami laba xubnood bay leeyihiin. Hadda iyagu ma cabanayaan cid beesha dhexe ah oo leh; waar dee hadii aynu doonayno in gooni-isu-taagga la inala xejiyo dee sidani sax maahana ma jirto eh shantii laba kale inay ku sii darsadaan bay isku haystaan. Anigu haddii laba xubnood la kordhinayo waxan taageeri karaa in laba xubnood loo kordhiyo beelaha aan ahayn beesha dhexe.

Hadaba anigu cirridka aan arkayo ilko kama soo jeedaane haddii awood qaybsiga iyo sida wax loo wada yeelanayo aan hoos loo eegin ee cid waliba sedbursi-doon qabyaaladaysan oo weliba beel keliya ah uun kaga dhegto qaranimada ay Somaliland sheeganaysaa waxay noqon hal bacaad lagu lisay. Waxan rumaysanahay iyadoo xaalku sidan yahay haddii beri shacbiga Somaliland afti ay qaramada midoobay goobjoog ka tahay laga qaado in aanan kalsooni buuxda ku qabin in tirada badani ay u codayn doonaan gooni-isu-taaga Somaliland waayo dee cid waliba gaarkeeda ay u xisaabtami oo siday ugu badinayso iyo halkay ugu badinayso ayuu mari.

Iska dhaaf cid kale eh aniga oo Caligurey ahi hadaan keligay xisaabtamo waxa suurtogal ah caddaaladda aan ka dhex waayay Isaaq inaan ka heli karo oon kaga badsan karo meelo kale. Waana run oo waan ogahay Isaaq mooyee soomaali inta kale oo dhamina way ogtahay. Hadaba cid kasta oo caddaalad ka dhex wayday Somaliland sida anigu aan qabo xaq waxay u leedahay in sida iyo halka halka ay ku helayso iyadu go’aankeeda yeelato ee aanay cid kale u daba fadhiisanin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here