SOMALILAND WAXAY U DHAXAYSAA SULDAAN IYO CAAQIL QAAD KU SHAQEEYA. WARIYE AQOON GAABAN OO MAKARAFOON SITA. SADEX HOGAAMIYE XISBI OO HIRDAMAYA

0
1082

SOMALILAND WAXAY U DHAXAYSAA SULDAAN IYO CAAQIL QAAD KU SHAQEEYA. WARIYE AQOON GAABAN OO MAKARAFOON SITA. SADEX HOGAAMIYE XISBI OO HIRDAMAYA

Xornimadii 1960 aynu ka qaadanay gumaystahii, waxay dad jibaysan oo iskugu jira suldaano, gabayaa , iyo dadkii markaa aqoonta la bidayay ay xornimadeenii ula carareen somalidii talyaaniga oo iyagu aan wali ka xoroobin talyaanigii. Waxaanay si shuruud la aana ay u gudoonsiiyeen gobanimadii uu markaas uun gumaystahu mudo 75 sano ah kadib uu gudoonsiiyay umadii reer somaliland. Dadkaa tirada badnaa ee xornimada u galbiyay dhinacii somali talyani oo ayna wax aqoon ah u lahayn, wax daraasaad ahna ayna ka samayn, ismay qaban , kamanayna fakarin mustaqbalka caruurtooda 200 sano ee soo socda.
Hubsiimo la aantaa iyo dagdagaa waxaynu ka dhaxalay gumaysi 30 sano ah oo runtii ingriiskii aynu erinay marka loo eego gumaysigi iyo xasuuqa somali talyani, uu noqonayo walaal wayn oo naxariis badan.
Illaahay isagaa mahad leh waxa uu markale gacanteena ku soo celiyay gobanimadii ay awoowyaasheen lumiyeen, cadawgiina aynu ka guulaysanay. Waxaa se ayaan daro ah in ay xornimadaas mar labaad inoo soo noqotay ay halis galiyeen koox jilayaal ah oo ka kooban suldaan iyo caaqil ku shaqaysta qabiil, hogaamiyayaasha xisbiyada oo iyagu awrka ku kacsada magaca qabiilka, si ay kursiga u fuulaan, awooda umadana gacagta ugu dhigaan , iyo wariye aqoontiisu yartahay wax takhasus ahna aan u lahayn wariye nimada, kana dayaaya in uu arsaaqad ku helo, kaas oo warka isugu jira qarandumiska, iskudirka umada walaalaha ah, uu ka dayay xirfad , waa sida uu aaminsan
yahaye. Laakiin u wanaagsantahay in uu xirfadkale doonto.
Madaxda xisbiyada qaarkood waxaad moodaa inay isku milmeen kuwii aynu ku hungoobnay, ee aynu ka dhaxalay xasuuqa, dhacay maalkeenii, kufsaday dumarkeenii. iyagoo isku fikrad ah , duminta qarankana ay iskaga mid yahiin, horumarka wadankana ka soo horjeeda. Waxay si shuruud la aan ah ula kulmaan madaxda xamar , iyagoo dareenka xanuunka ah ee ay shacabka ugaysanayaan aanay xisaabta ku dareen. Iskuna haysta in ay umada dooratay ee sharaftay ka caqli badan yahiin, iyagoo runtii ay meesha ku tageen si nasiiba, dadka badankooduna ay ka aqoon badan yahiin. Hadaba muwaadinka dhabta ahaw xornimadan aynu maanta haysanaa waa mid ku timid dhiigii aabayaasheen, walaaladeen , hooyoyinkeen. Waxa kaliya ee aynu ku ilaalin karnaa waa inakoo qabiilka uf ku nidhaa. Suldaanka , caaqilka iyo hogaamiyaha salaanka ka dhiganaaya aynaan dooran. Hogaamiyaha ku doorana aqoontiisa iyo aminnimadiisa.
Qalinkii Eng: Mohamed Haibr Hersi
Haibe2005@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here