Monday, May 6, 2024
Home Maqaalo Cusbitaalaka Guud Ee Borama Oo Xabad Daawo Ah Qofka Bukaanka Ahi Kaga...

Cusbitaalaka Guud Ee Borama Oo Xabad Daawo Ah Qofka Bukaanka Ahi Kaga Dhimanayo Hadii Aanu Lacag Haysan.

0
739

Dawlada mas uu liyadeeda iyo waa jibaad keeduba waxa wee yaan daryeelka qofka shacabka cashuurta dadka laga qaado sababta looga qaada waxa weeyaan daryeelka in lagu daryeelo dadka shacabka ah ee masaakiinta ah ee danyarta ah ee aan awoodin in ay lacag kubixiyaan caafimaadka wax barshada iyo wax yaabo kale oo lamid ah.

Hadaba waxa ka jirta cusbitaalka guud ee magaalada Borama hadii aanad lacag haysan oo aanad waliba qadimin lacagta in aan laguu dawaynayn qof bukaan ah waa maxay sababtaasi waa sababta ay dadwaynaha reer borama aad isku way diinayaan ma dawladii Somaliland ayaa meesha ka baxday ayay is waydiinayaan dadku . Halka cusbitaalada dadka gaarka ahi leeyihiin qofka bukaanka ah ee aad gayso laguu dawaynayo marka qofka bukaanka ahi marka uu caafimaadana lacagta aad u keenayso marka aad hesho hadaba akhriste waxa is waydiin leh ma cusbitaaladii dadka gaarka ahi lahaayeen ayaa isku badalay ku waa dawladu leedahay halka cusbitaalkii dawladu lahaydna loogu dhimanayo dhexdiisa xabd dawo ah oo tii madaxa ah hadii aanu lacag haysan

Waxa is waydiin leh ma cusbitaalada guud ee dalka Somaliland oo dhan ayaa wada sidaasi ah mise cusbitaalaka guud ee magaalada Borama ayaa ah mid cadaawad gaara u qaba dadwaynaha gobolka awdal arin taasi oo ah arin aad nooga yaabisay

Waxan ka cod sanayanaa wasiirka caafimaadka Somaliland in uu wax ka qabto dhibaatadaa ka jirta cusbitaalka guud ee magaalada Borama hadii aad wax ka qaban waydana waa hadii aad la og tahay arintaasi waxayna keeni doontaa kacdoon shacab oo cawaaqib xun ku keeni doona dawlada Somaliland iyo xaalada nabad galyada ee dalka iyo dadkaba.

Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Xagar.

abdirashiid1982@gmail.com

La soco qeybaha kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

%d bloggers like this: