Dagal Culus oo laysu adegsaday hubka culus ayaa ka socda Tukaraq iyo Puntland werarka lahayd.

0
561

War Deg Deg Ah:Dagaal Culus Oo caawa Ka Qarxay degaanka Tukaraq

Nov 4, 2018 (Qoryaalenews)Wararka Hada Naga soo gadhaaya degaanka Tukaraq ee gobolka sool ee Somaliland ayaa lagu soo waramaya Inay Weerar Culus ay soo qadeen maleeshiyaad beeleedka maamulka soomaliya ee puntland .weerarkani ayaa ahaa mid sii Qorshaysan oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka soomaliya, inkastoo ay ciidamada qaranka somaliland ay iyagu markasta diyaar u ahayeen weerar kasta oo kaga yimaada cadowga Somaliland.
waxaa la maqlayaa caawa Diryanka rasaasta Culus oo hadda Si toos ah uga socota degaanka tukaraq. isla-markaana halkaasina uu ka socdo dagaal aad u culus.
wararka ayaa sheegayaa in dagaalka xogiisu ka socdo meesha la yidhaahdo. Laagta-xagarta oo ka tirsan degaanka Tukaraq.
dagaalkani ayaa ku soo beegmaaya xili uu danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaliya oo isaga gooshay labadda Magaalo Hargeysa Iyo Garowe kaga hadlay xiisada tukaraq
si kasta oo ay tahayba Lama Sadaalin karo dagaalkani Halka uu Ku Danbeyn Doono iyo in uu Ku eekaan Doono oo keliya Caawa ama markale Subaxnimada Beritona oo Halkiisa Ka Sii socon Doono

laakiin Wixii Ka soo kordha wararkeena Danbe ayaan idiinku soo gudbin doonaa insha allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here