Wargelin: Taariikhda iyo Goobta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Sool

0
654

 

-Waxaa maalintii Axada si habsami ah u soo dhamaystirmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Sool halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan 50-Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

-Haddaba, tartanka ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 04/12/2018 Insha Allah

-Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay xarunta Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood kasoo xaadiraan 9:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here