Hadyad Ka Qaalisan In Qarankaagu Ku Qiimeeyo ma jirto,xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi ( Bidhi

0
875

Hadyad Ka Qaalisan In Qarankaagu Ku Qiimeeyo ma jirto,

Annigoo ah xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi ( Bidhi) Oo Ka tirsan golaha deegaanka degmada burco waxaan maanta ka qayb galay munaasibad lagu qabtay Mansoor Hotel oo lagu abaal marinayo 45 qof oo loo xulay inay yihiin haldoor qaran oo ku mutay dedaal iyo juhdi ay bulshadooda iyo qarankooda galiyeen, waxaan ku faraxsanahay in maanta laygu abaal mariyo xildhibaanka ugu wanaagsan xildhibaanada golaha deegaanka dalka somaliland waxaanay ii noqonaysaa shiidaal aan ku dhaqaaqo si aan shacabkayga ugu adeego. waxaan kaloon bogaadinayaa guuleystayaashii 45-kii qof ee maanta abaalmarinta la gudoonsiiyey dhamaantood. waxan si Gaara u hambalyaynaya Sadexda shiikhsi loo aqoonsaday Maanta inay yihin Halbeega Somaliland oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Dr Adan Adan iyo Suxufi Waaji ,

Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada Somaliland National Award’s Prize (SOLNAP) ee iskood isku xilqaamay garashada iyo garaadka wanaagsan ee gartay inay dhiirigaliyaan oo maamuusaan shaqsiyaadka u adeegaha qaran noqdey.
runtii ismaanan aqoon email bay igula soo xidhiidheen iyagoo iga dalbadey inan waxqabadkaygii u soo diro iyago og waxqabadkayga hadana anna waan u diray taas oo saldhig u noqotay inay maanta isiiyaan xildhibaanka ugu wanaagsan golayaasha deegaanka dalka Somaliland , waana astaan iyo halbeeg aan kaga cabir qaadan karo inaan kordhiyo xawaaraha aan ku shaqaynayo hiigsiga iyo himilada aan lee yahay hillaadeyduna waa mid aan ka midho dhallin doono annigoo shaqsi ah iyo iminka oo aan xildhibaan ahaynba. Waxa kaloon u mahadnaqayaa maayerka degmada burco, maayer ku xigeenka degmada, xoghayaha dawladda hoose Burco iyo dhamaan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ee aanu wadda shaqaynta joogtada ah leenahay, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shacabkii reer Burco ee idoortay inan Xildhibaan noqdo iyo bahda saxaafadda Somaliland oo dhan ee qaranka u adeega. Waxaa jira dad badan oo mudan in la abaalmariyo oo kun jeer nagga wanaagsan insha allah iyana jaaniskooda ayaan la dabaal degidoonaa. Inaad noqoto shaqsi ku suntan u adeegida arrimaha bulshada ee dal iyo dad waa sumad iyo tusaale nool oo kugu dhiirigalinaya inaad halkaa ka sii waddo adeega bulsho ee aad hayso

(Inta maanku gaajaysan yahay guulli waa wali)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here