Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Af-Lagaado U Geystay Ciidamada Policeka Somaliland Iyo Madaxweyne Biixi Oo Sheeda Ka DaawanayaNinka lagu Magacaabo Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Ciidanka Booliska Somaliland ku tilmaamay Reer iyo Casabo.

Hadalkan ayaa uu ku baahiyay Bogiisa Face-Booga.

Waxaanu sheegay in Booliskii Dalku noqday Qowlaysato uu silcinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman.

Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in Taliye Fadal iska horkeenayo Dawladda iyo Dhalinyarada dalka

Lama garanayo waxaa keenay in Siyaasigan ay Haybta dhow wadaagaan Muuse Biixi ku tidhaabo in Ciidanku Casab yahay.

Dhinaca kale Cali Guray ayaa sheegay in Ciidankii Booliska ee Siyaad Barre dhaamay kan Somaliland

Halkan Hoose Ka Akhriso

Ali Yussuf wuxuu la wadaagay bandhig

Haye Bilayskeenu waa kaa taliye Fadal silcinayo. Xataa waaxdii socdaalka ayuu sadheeyay. Waa kaa ka doonaya , warbaahintii oo dhan, halabuurkii oo dhan iyo dhalinyaradii Somaliland oo dhan inu dawladda ka horkeeno

Dal Bilayskiisa taliskiisi casaabad qawlaysto ah noqday kob caleen leh in aanu ka soo durdurinayn waa la garanayaa ee bal aan sugno halkay ay Bilayska Somaliland dhigaan Fadal iyo kooxdiisu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here