Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-awal Iyo Garxajis Oo Kulan Xaasaasiya Fooda Isku Daray, Nuxur Arrimo Laga Wada Hadlay & Dareenada Taagan.

0
508

Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-awal Iyo Garxajis Oo Kulan Xaasaasiya Fooda Isku Daray, Nuxur Arrimo Laga Wada Hadlay & Dareenada Taagan.

Hargeysa- Kulan Qado iyo fadhi iskugu jiray ayay Doraad wada yeesheen Haldoorka Salaadiinta Beelaha Habar Awal iyo Garxajis, waxaana kulankan sida la sheegay diiradda lagu saaray arimo door ah oo iskugu jiray kuwo Dhaqan iyo kuwo Siyaasadeedba.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Markii hore ay Salaadiinta iyo Dhaqanka Beelahani kulan qado ah ku yeesheen Maalinimadii Salaasadii Doraad Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, islamarkaana ay markii dambe kulan Fadhi Qayilaad ah oo wakhti badan qaatay ay ku yeesheen Guri Gaar ah, halkaasi oo sida lanoo Xaqiijiyay ay wax badan kaga wada hadleen oo ay isku waydaarsadeen. Kulankan ayaa sida lanoo sheegay ay labada Beelood iskaga Turxaan bixiyeen qardaafooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada iyagoo sidoo kalena dood ka yeeshay sidii ay labada Beelood uga wada shaqayn lahaayeen arimaha Siyaasada, Dhaqanka, Amniga iyo Guud ahaan Arimaha Qaranka waxtarka u leh iyo sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa wax kasta oo hagardaamo ku ah Qaranka, iyadoo kulan kale oo kaasi ka balaadhana dib looga balamay.
Dhinaca Salaadiinta Beelaha Habar Awal waxa hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, halka Salaadiinta kale ee Beelaha Garxajis uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Cabdilaahi, Waxaana dhinaca walba ka socday salaadiin door ah kuwaasi oo labada Kulanba ka soo xaadiray. Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadda loogu talo galin ayaa u sansaan eg mid siyaasadi hagaysay islamarkaana aan sinaba uga madhnayn gacmo siyaasi, waxaanu ku soo beegmayaa wakhti shirweynihii 6-Aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye loo qoondeeyay inuu bishan fooda inagu soo haysa dhamaadkeeda ka qabsoomo Magaaladda Boorama, islamarkaana Gudoomiye ku meel gaadh ah loogu soo doorto Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Garxajis.
Sikastaba hanoqotee, lama garanayo Ujeeda dhabta ah ee ka dambaysa Kulanka iyo cida soo abaabushay, balse waxa uu ku soo beegmayaa wakhti si weyn ay Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiga ugu wayn Mucaaridka ee WADDANI ay aad iskugu khilaafsan yihiin sii joogitaanka Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here